Dowladda Turkiga Oo War Kale Kasoo Saartay Wiilka Madaxweynaha Soomaaliya
Wasiirka caddaaladda
dalka Turkiga Yılmaz Tunç ayaa sheegay in ay qiyaasayaan in Maxamed Xasan
Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhuftay
bajaajle Yunus Emre Göçer oo ku sugnaa Istanbul uuna sababay geeridiisa uu
dhawaan imaan doono dalka Turkiga si maxkamad uu u wajaho.
Isagoo ka jawaabayay
su'aalaha saxafiyiinta ka dib shirkii 'Istaraatijiyadda Dib-u-habaynta
Garsoorka iyo Qorshe Hawleedka Xuquuqda Aadanaha' ee lagu qabtay Ankara, ayuu
wasiir Tunç wuxuu yiri, "Waxaan ku qiyaaseynaa in qofka ay quseyso uu ka
iman doono dibadda oo uu bixin doono bayaankiisa mustaqbalka dhow.
"Wasaaraddayada arrimaha dibadda ayaa iyaduna arrintan kala hadlay,” ayuu yiri.
Warbaahinta ayaa
ogaatay in wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la
sii daayay ka dib markii lagu waayay wax khalad ah oo shilkaasi la xiriira,
kadibna uu ka tagay Turkiga.
Warbixinta dheeriga ah
ee uu ku dhawaaqay machadka baaritaannada casriga ah toddobaadkii hore, Maxamed
Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu helay "inuu ugu horreyn khalad
leeyahay" Yunus Emre Göçer waxaa lagu helay "in uu khaladka labaad
leeyahay".
Hadalkiisa maanta ee
saxafiyiinta, wasiir Tunc wuxuu xasay inay jireen laba warbixinood oo ka soo
baxay machadka sameeya baaritaannada casriga ah sida dhiigga iyo dheecaannada ,
wuxuuna yiri, "dacwad ayaa lagu soo oogi doonaa iyada oo la raacayo qaab
dhismeedka warbixinnadan. Dabcan, garsoorkeena ayaa ilaalin doona xuquuqda iyo
shuruucda muwaadiniinta. "Eedaynta waxaa la diyaarin doonaa maalmaha soo
socda gudahooda iyadoo la raacayo qaabka warbixinta khabiirka," ayuu yiri.
BBC