SIDA DUNIDA LAY NOOGA NACAY BAL EEG (Calibiixi).
Meel beer ah oo lagu nasto , ayaa EY baa wuxuu weeraray ilmo yar oo ku ciyaaraaya .
EY-gii oo halis geliyay ilmihii yaraa , ayaa waxa arkay nin meesha maraayay , ey-gii ilmihii wuu ka furfuray , laakiin EY-gii ninkii buu ku soo jeestay oo soo weeraray , ninkii ey-gii wuu diley .
Intii arintanu dhacaysay waxaa arkaayey oo la socday suxufi (weriye) u shaqeeya joornaalka la yidhaahdo (new york times) , sawiro badan ayuu kameradiisa ku sawiray intii arintu socotay .
Suxufigii (weriyihii)ayaa ninkii u yimi , wuxuu ku yidhi: geesinimada aad samaysay waan arkaayey , sawiro badanna waan ka hayaa , joornaalka berito soo baxaaya ayaan boggiisa 1- aad ku soo qorayaa , waxaanan cunwaan uga dhigayaa
( new yorki geesiya oo ilmo yar ey dadcuna ka badbaadiyey .
Ninkii geesiga ahaa wuxuu ugu jawaabay :
anigu reer new york ma ihi .
Suxufigiibaa wuxuu yidhi : maraykan geesiya ooo inan yar ka badbaadiyey , ey dad cuna .
Ninkii geesiga ahaa baa hadana wuxuu suxufigii ugu jawaabay :
Anigu maraykan na ma ihi .
Suxufigii baa inta wejigiisii is bedeley ninkii weydiiyey :
Haddaa xagaag ka timi ?
Wuxuu geesigii ugu jawaabay suxufigii :
Anigu Soomaali baan ahay ..
Suxufigii (weriyihii) intuu iska dhaqaaqay ayuu ku yidhi OKEY .
Maalintii danbe ayaa waxa joornaalkii new york times ku qornaa maqaal cunwaankiisu yahay
( EY MARAYKAN AH OO UU BAKHTIIYEY (DILEY) NIN ASALKIISU SOMALIYA KA SOO JEEDO ) .
Ey-gaas oo uu meel fagaare ah ku diley , FBI duna baadhitaan ayey bilowday in ninkaasi ku lug leeyahay ururada xagjirka ah sida ururka alqaacida iyo Alshabaab.
Bal sida lay noo nacay eeg ,
bal halka colaadeenu marayso eeg .
inana weli waynu soo soconaa , oo qaar baaba iminka badaha ku dhex jira , qaar kalena wey qorsheysanayaan in ay soo qaxaan .
Waxaynu noqonay wixii xunba (soomaalaa leh).
Inaguna waynu isnacnay.
Duniduna way ina nacday.
Hadaba merlina uma fayo qabto qofka.
Calibiixi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!