Puntland Ha soo Dhoweyso Go'aanka Garaadada

0
Monday December 25, 2023 - 10:36:55 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 563
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Ha soo Dhoweyso Go'aanka Garaadada

    Su'aashu se waxay tahay: PL maxay yeeli marka arrinka..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Su'aashu se waxay tahay: PL maxay yeeli marka arrinka..



Go'aankii garaadada ee 23.12.2023 wuxuu dhaawac u geysanayaa DASTUURKII PUNTLAND. Wuxuu baguugaha ka dhigay seeska dastuurka Puntland, sidaa darteed wuxuu u baahan yahay mid u dhaawac-tir, kabid iyo daaweyn; taasoo qaadan doonta muddo.


Haddaba, imika iyo dan, dhawr xulasho (options) ayaa Garoowe u furan:

1. Inay ganafka ku dhufataan go'aanadii garaadada ee 23.12.2023; oo ay is-taagaan mowqifka ah: SSC-Khaatumo waa qayb ka mid ah Puntland (PL) oo aan sinaba uga qaarmi karin abyanka dhuleed/dastuuriga ah ee PL. Dabeetana sidaas ku aamusaan kana ficil qaadan siyaasad ahaan, habayaatee, taageeradoodiina halkii ka sii wada. Kolay la waayi maayo 17 qof oo magaca Dhulbahante sita oo buuxiya boosaska parliament-ka. Sidaas samir ku qaataan oo ka dhur-sugaan labada sanno ee ku meel-gaadhka ah ee DFS siisay SSC-Khaatumo.



 

Su'aashu se waxay tahay: PL maxay yeeli marka arrinka la hor keeno DFS, hadday xulashadan doortaan (diidmo wadata tudhaale walaal).


2. Haddii se ayganafka ku dhuftaan, kana ficil qaataan go'aanka garaadada, taageeradii dhimaan, olole ku lid ahna ka bilaabaan Xamar, Hargeysana duulaan soo qaado, xaalku waa Alloow sahal amuuraha. Hawl baa markaa Laascaanood u taal.


3. Inay aqbalaan go'aanka garaadada; taasoo noqonaysa in dib loo eego: dastuurka PL, sidoo kalena kaalinta ay ku lahayd Dawladda Federalka Soomaaliya, siyaasiyan, isla markaana ku garab galaan sidii ay DFS ugu aqoonsan lahayd SSC-Khaatumo maamul goboleed buuxa.


 

Waxa kale oo door weyn leh mowqifka DFS/Xamar. Waxa se digniiin mudan: inaysan Xamar dhegaysan Hargeysa, kana qayb noqon aayaha SSC-Khaatumo, illaa ay ka noqoto gooni-goosiga mooyee.


 

Haddaba xulashooyinkaas kore mid waliba wuxu leeyahay cawaaqibkiisa, laakiin xulashada 2aad ma aha albaab furan oo habboon in laga baxo. Xaasha. Kala xulashada labada albaab ee kale (1 & 3), waxa aniga ila habboon xulasho 3aad - aqbalaadda iraadada shacabka SSC-Khaatumo - waayo waa albaabka ugu fudud, midnimada dalka xoojinaya, gardarrada Hargeysa baajinaya, sidaa darteedna nabadayn kara shacabka waqooyi, Xamar na u diidaya marmarsiiyo ay ku hor-istaagto aqoonsiga buuxa ee SSC-Khaatumo. Xamar waa inay mar walba ka raacdo waxa la isku raacsan yahay iyo u adeegga midnimada dadka iyo dalka.


 

Laakiin su'aashu waa: Garoowe ma liqi kartaa xulasho 3: aqbalaadda go'aanada garaadada ee 23.12.2023? Runtii samuhu wuxu ku jiraa inay PL qabkeeda liqdo, ixtiraamaan iraadada walaalaha Laascaanood, Hargeysa cutub cusub la furtaan, kana qayb qaataan nabadaynta beelaha Isaaq iyo Dhulbahante.


 

Xagga Hargeysa waxa la gudboon, sida PL, inay hambalyeeyaan Laascaanood. Waa gob iyo caadadeed. Somaliland (SL) qudheeda dhaawac la mid ah ka PL ayaa soo gaadhay, dastuuriyan. Badbaadada SL ayaa se ku jirta aqoonsiga maamulka Laascaanood. Waxa kale oo fursad loo helayaa dhisidda SL cusub oo ku salaysan heshiis cusub, iska ilaaba xuduuddii isticmaarka, sidaan ku xusay maqaalkaygiii dhowaan ku soo baxay Wardheer News: Sidee loo Badabaadin Karaa Somaliland?

 https://wardheernews.com/sidee-loo-badbaadin-karaa-somaliland%ef%bf%bc/


 

Waxaan Ilaah ka baryayaa inuu sannadk 2024 ka yeelo sannadkii bilawga nabad abida ah oo ka curata waqooyiga dalka: Somaliland, SSC-Khaatumo iyo Puntland. Sidoo kale arliga Soomaaliyeed oodhan.

 

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...