"Muuse Biixi Ayaa Hortaagan Heshiiska Habarjeclo Ee Doorashooyinka"
Hargaysa (HWN) Xildhibaan Jamaal Jaah oo ka tirsan Golaha
Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in indhaha Somaliland oo dhami ay eegayaan
Beesha Habarjeclo.
Xildhibaanka ayaa
intaasi ku daray in Muuse Biixi hortaaganyahay go’aamadii beesha Habarjeclo ka
soo saartay Khilaafka Doorashooyinka Somaliland.
"Indhahoo dhami Habar
jeclo ayay eegayaan laakiin beeshu way ogtahay markaa yaan loo biqin (All eyes
on Habar jeclo)
Golaha Wakiilladu wuxuu
cod aqlabiyad ah 30 bishii September ku ansixiyay xeerka cusub ee
doorashooyinka isa-saaran oo waafaqsan go,aankii Salaadiinta iyo Gudida beelaha
Habarjeclo soo saareen 27 bishii Aug, Muddo sedex bilood ku siman oo uu
xeerkaasi golaha guurtida horyaal madaxwaynaha ayaa caqabad ku ah in uu
dhamaystirmo xeerkaasi isagoo laba ujeedo ka leh in aanuu jeclay garsoorka lagu
qayaan beesha heshiiska keentay oo uu rabo in uu ka daba tago heestii caan
baxday ee Garta Ina Sanwaynaa loo gaysan jiray oo ah sumad wanaagsan oo beeshu
leedahay iyo in uu mudo kordhin helo (Delay Tactics)
Laakiin labadaa midna
ma suuro gelayso oo beeshu taariikhdeedana way ilaashanaysaa Somaliland-na
doorasho way ka dhacaysaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan
Jamaal Jaah