ISLAAMKA IYO KA BAD-BADINTA DIINTA.

0
Sunday December 24, 2023 - 10:36:38 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ISLAAMKA IYO KA BAD-BADINTA DIINTA.

    "Sidaas baanu idinkaga dhignay ummad dhex-dhexaad ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidaas baanu idinkaga dhignay ummad dhex-dhexaad ah"




Diinta Islaamku waa Diin fudud oo samaaxad badan waana diin dhimrinta iyo dhexdhexaadnimada taageerta,waxayna ka digtaa mar kasta ka badbadinta,quluwiga iyo xagjirnimada diinta.

Ilaahay swt waxa uu yiri :

وَكَذَلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطًا [ البقرة: 143]

"Sidaas baanu idinkaga dhignay ummad dhex-dhexaad ah"



فَاسْتَقِمْ كَمَا أُمِرْتَ وَمَن تَابَ مَعَكَ وَلاَ تَطْغَوْاْ إِنَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ [ هود: 112].

"Utoosnow sidii lagu faray adiga iyo kuwa islaamka usoo noqday ee kula jira,hana xadgudbina waayo alle waa mid waxa aad samaynaysaan ujeeda"

يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لاَ تَغْلُواْ فِي دِينِكُمْ وَلاَ تَقُولُواْ عَلَى اللّهِ إِلاَّ الْحَقِّ.


"Kuwa kitaabka la siiyayow ha ku xad gudnina diintiina hana ka sheegina Alle wax aan xaq ahayn".

قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لاَ تَغْلُواْ فِي دِينِكُمْ غَيْرَ الْحَقِّ وَلاَ تَتَّبِعُواْ أَهْوَاء قَوْمٍ قَدْ ضَلُّواْ مِن قَبْلُ وَأَضَلُّواْ كَثِيرًا وَضَلُّواْ عَن سَوَاء السَّبِيلِ [ المائدة: 77] .


"Kuwa kitaabka la siiyayow ha ku xadgudbina diintiina si xaqdaro ah, hana raacina hawada qoomhore u lumay oo dad badan lumiyay,isla mar ahaantaana qudhooda ka lumay wadadii toosneyd".

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

(إياكم والغلو في الدين، فإنما أهلك من كان قبلكم الغلو في الدين)).


"Idinka iyo waxaan idiin kala digayaa ka bad-badinta diinta waayo kuwii idinka horeeyay waxaa halaagay ku talax-tagga diinta".

((هلك المتنطعون)) قالها ثلاثا.

أخرجه مسلم في كتاب العلم، باب هلك المتنطعون، حديث رقم (2670).


"Waxaa halaagsamay kuwa wax isku adkeeya ee ka badbadiya".

Walaalayaal sideedaba qofka u dhaba gala arimaha diinta wuxuu ogaanayaa in diinta fududeyn loogu daw galay oo ay ugu badiso sahlidda umuuraha diinta"


Waayo Rabbi iyo Rasuulkiisa scw inta ay tashadud iyo adkayn ka digeen kama ayan digin fududaynta iyo sahlida diinta, bal way tirtirsiiyeen sahlida diinta iyo fududaynta arimaha diinta la xariira.

Alle wuxuu yiri:-


?مَا يُرِيدُ اللّهُ لِيَجْعَلَ عَلَيْكُم مِّنْ حَرَجٍ وَلَكِن يُرِيدُ لِيُطَهَّرَكُمْ وَلِيُتِمَّ نِعْمَتَهُ عَلَيْكُمْ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ? (المائدة:6).

"Ilaahay dooni maayo inuu dushiina saaro wax dhibaato ah laakiin wuxuu doonayaa inuu idin dahiro si aad u shukrisaan".

-يُرِيدُ اللّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ? (البقرة من الآية 185).


"Ilaahay fudayd buu idinka doonayaa ee culays idinla dooni maayo"

-يُرِيدُ اللّهُ أَن يُخَفِّفَ عَنكُمْ وخلق الانسان ضعيفاً (النساء من الآية 28).


"Ilaahay wuxuu doonayaa inuu idinka khafiifiyo waayo Insaanka waxaa lagu abuuray daciifnimo".

-وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ...الخ (الحج:78).


"Eebe Diinta idiinkagama uusan dhigin mid aad ku dhibaatootaan"

- وعن أنس رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: يسروا ولا تعسروا وبشروا ولا تنفروا متفق عليه.

"Anas waxa uu Rasuulka scw ka wariyay inuu yiri:-


"Fududeeya diinka oo ha cusleynina u bishaareeya dadka oo diinta ha ka cayrinina".

وقال صلي الله عليه وسلم:-فإنما بعثتم ميسرين ولم تبعثوا معسرين). رواه البخاري برقم 220 ونحوه في مسلم برقم 284.


Rasuulka scw wuxuu yiri " waxaa laydiin soo saaray inaad wax fududeysaan ee leydinma soo saarin inaad wax adkaysaan".


Walaalayaal sidoo kale qof kasta oo u dhaba gala arimaha diinta wuxuu ogaanayaa in uusan Islaamku shaqo kulahayn is kalif iyo isku adkayn umuuraha diinka fudud.

(قُلْ مَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُتَكَلِّفِينَ) (صّ:86).


"Waxaad ku tiraahdaa idinkuma waydiisanaayo diinta gaarsiinteeda ajar mana ahi aniga mid is kallifaya"

لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۚ لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ ۗ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَا إِن نَّسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تَحْمِلْ عَلَيْنَا إِصْرًا كَمَا حَمَلْتَهُ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلْنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِ ۖ وَاعْفُ عَنَّا وَاغْفِرْ لَنَا وَارْحَمْنَا ۚ أَنتَ مَوْلَانَا فَانصُرْنَا عَلَى الْقَوْمِ الْكَافِرِينَ)


"Ilaahay nafna kuma kallifo waxaan taagteeda ahayn,naf kasta waxay leedahay wixii ay kasbato oo khayr ah'waxaana loo raacanayaa wixii ay kasbato oo shar ah"


Rabigayow habagu kalifin waxaanan tabar uhaynin oo na cafi oo noo naxariiso adigaa xigaalo noo ah ee nooga gargaar kuwa ku diidaya adiga ee dafiraya xaqaaga".

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: "إِنَّ الدِّينَ يُسْرٌ وَلَنْ يُشَادَّ الدِّينَ أَحَدٌ إِلَّا غَلَبَهُ فَسَدِّدُوا وَقَارِبُوا وَأَبْشِرُوا وَاسْتَعِينُوا بِالْغَدْوَةِ وَالرَّوْحَةِ وَشَيْءٍ مِنْ الدُّلْجَةِ"

أخرجه البخاري في كتاب الإيمان باب الدين يسر، حديث رقم (39)، ومسلم في كتاب صفة القيامة والجنة والنار، حديث رقم (2816).

Abuu Hureyra rc waxa uu Nabiga scw ka wariyay inuu yiri:-"diintanu waa mid fudud qofkii isku adkeeyana way ka qaalib noqotaa ee toosiya oo dhodhoweeya oo bishaaraysta,waxaadna kaalmaysataan kallahaada iyo caraabida iyo qayb cawo gudka ka mid ah".

وعن ابْنِ عَبَّاسٍ انه قَالَ: قِيلَ لِرَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: أَيُّ الْأَدْيَانِ أَحَبُّ إِلَى اللَّهِ؟ قَالَ: "الْحَنِيفِيَّةُ السَّمْحَةُ" .

أخرجه أحمد في المسند (الرسالة 4/17، تحت رقم 2107)، والبخاري في الأدب المفر (صحيح الأدب المفرد ص122، تحت رقم 220/287)، وعبد بن حميد في مسنده (المنتخب 01/497، تحت رقم 567)، وعلقه البخاري في كتاب الإيمان باب الدين يسر وقول النبي r: "أحب الدين إلى الله الحنيفية السمحة". .

"Ibnu cabbaas rc waxaa laga wariyay inuu yiri: Rasuulka scw ayaa la weydiiyay diintee Alle ugu jecel yahay?wuxuuna ku jawaabay" midda baraxa tiran ee saamaxaadda badan".

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...