Bakaylihii Libaaxa Dilay ( Ali Biixi)

0
Saturday December 23, 2023 - 10:57:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bakaylihii Libaaxa Dilay ( Ali Biixi)

    si aan u cuno oo intiina kale maalintaa idin nabad-geliyo .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

si aan u cuno oo intiina kale maalintaa idin nabad-geliyo .


Libaax daalim ah ayaa duur-joogtii maalin kasta wax ka laaya , qaarna ka cuna , qaarna ka dhaawaca , qaarna intuu bakhtiiyo iskaga taga .


Duur-joogtii ayaa shir-weyne qabsatay oo isugu timi , iyagoo Libaaxiina iskka ilaalinaaya . Duur-joogtii waxay go’aansadeen inay libaaxa wefti u diraan , oo u geeyaan lacag iyo dahab , oo uu dhul kale qabto ,
ammaanna geliyo . Libaaxii wuxuu ugu jawaabay :meel aan qabanayaa majirto , lacagtan iyo dahabkana ma rabo ,


laakiin midda qudha ee aan idinku ammaan gelinayaa waxa weeye , idinka oo maalin kasta mid idinka mid ah ii keena ,

si aan u cuno oo intiina kale maalintaa idin nabad-geliyo .

Duur-joogtii arinkaas ayey ogolaadeen oo maalin kasta mid iyaga ka mid ah bay u geen jireen .


Waxa la soo gaadhay doorkii bakaylaha loo geyn lahaa Libaaxa . Bakaylihii baa wuxuu duur-joogtii ka codsaday , in uu isagu keligii u tago Libaaxa oo aan loo geynin , waxaanu hadalkiisii ku sii daray oo uu yidhi : waxaan damacsanahay inaan Libaaxa dilo , dhibtiisana ina dhaafiyo .

Duur-joogtii hadalkaa way ku qosleen , waxaanay ugu jawaabeen : waar fulayahaw waxba haysgiijinine dhakhso .

Libaaxii oo gaajo ku dilaacday oo ilkaha isla dhacaaya , ayaa waxa u yimi bakaylihii oo yara baqanaaya .

Libaaxii oo aad u cadheysan baa wuxuu weydiiyay waxa uu ku raagay . Bakaylihii oo isna ogaan ugu talo galey inuu Libaaxa ka raago ayaa waxa uu ugu jawaabay :

Boqor waxa laygu kaa soo dhiibay Bakayle weyn , laakiin Libaax ayaa nasoo weeraray , oo Bakaylihii weynaa iga qaaday .

Libaaxii inta uu aad iyo aad u cadhooday ayuu Bakaylihii ku yidhi : Kaalay oo itus xagga uu joogo ? Bakaylihii Libaaxii inta uu ceel-weyn soo dul joojiyay , ayuu ku yidhi: Halkaas hoose ayuu ku jiraa , waxaanan ka baqayaa haddii aan farta kuugu fiiqo in uu i dafo ,

ee iqabo oo sare ii qaad aan ku tusee meesha uu ku jiro.
Libaaxii sare ayuu u qaaday Bakaylihii ,

wuxuu eegay ceelka gudihiisii , wuxuu biyihii ka dhex arkay (Libaax Bakayle haysta ) ,
Libaaxii wuu gadooday oo aad iyo aad buu u cadhooday , intuu Bakaylihii sii daayey ayuu ku booday ceelkii , si uu u dilo Libaaxaa cuntadiisii dhexda u fadhiistay ee ka cunay .
Ceelku aad buu u weynaa ,

Libaaxii wuu ku qaraqmay , waanu ku haligmay .

Duur-joogtii markay warkii maqashay aad bay u riyaaqday (faraxday) , si weynna Bakaylihii bay ugu mahad-naqday .

Hadaba waxaad ogaataa in Bakayle ka caqli iyo garaad badiyey Bibaax , sidaa awgeed hays odhan cid baad ka xoog weyn-tahay ,

ogowna xoog kasta oo aad haysato haddaan caqli iyo garaad wehelin waa biyo col dhaanshay .

Awoodda shacabkana ha dhayalsan .
Wax sheekadan ma ka fahantay ?
bal adba fasiro .
Bakaylihii Libaaxa dilay .

CALI MAXAMED BIIXI
Calibiixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...