Waraaq furan oo ku socota Madaxweyne Firdhiye iyo Maamulkiisa SSC.

0
Saturday December 23, 2023 - 10:40:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waraaq furan oo ku socota Madaxweyne Firdhiye iyo Maamulkiisa SSC.

    Saakana, waxaan arkeyney, adigoo garabka ku haya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saakana, waxaan arkeyney, adigoo garabka ku haya



Marka 1aad, Madaxweyne, waxaad tahay geesi, halyey, nasiib badane. Ilaahey, wuxuu kugu karaameeyey, inaad xoreysey SSC oo ka dulqaaday dulmigii Muuse Biixi. Alxamdu lilaah.


Marka xiga, Mudane madaxweyne, talada SSC adigaa laguu doortay. Hayadihii Dowlada iyo Dastuur ayaa gacanta laguu geliyey, hase yeeshee, waxaad moodaa in taladii aad dhexda dhigtey oo Garaadadii ay dib u bililiqeysteen.



Xalay, waxaan daawaneynay Garaad Cabdilaahi Garaad Saleebaan oo leh, ” Wadaadka gurigaas fadhiyana, waa loo yeedhayaa oo goluhuu soo fadhiisanayaa", wuxuu kaloo lahaa ” Kuwa Buuhoodle dhabacan oo kolba howda isku soo beegayana , ha yimaadaan oo ha soo fadhiistaan shirka". Warkaasi, ma yahay, war Garaad? Waa Aflagaado. Waa Jaaifo. Waa kala geyn.


Saakana, waxaan arkeyney, adigoo garabka ku haya Garaadkii Xalay Garaadada kale fagaaraha ka jaaifeynayey, iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo siduu maxkamad yahay leh ” Ma jiro Garaad dhoofi kara". Ma aha markii u horeysay ee Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil amarka noocaas ah uu Laascaanood kaga dhawaaqo. Waa xurmad daro iyana.


Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, wuxuu kaloo dadweyne Dumar iyo Caruur u badnaa, adiguna aad hor taagneyd uu lahaa , Madaxweyne soo sheeg Garaadkii leexda.


Hadab, marka aad dhinac taagantahay Garaado meel fagaaraha ku weeraraya Garaado kale, soo taas macnaheedu noqon mayso inaad khilaafka qeyb ka tahay? Soo macnaheedu ma noqonayo, inaad taladii dadka ee laguu dhiibey aad koox Garaado ah kula shirkowdey? Soo garaadadii qaarna maad soo dhaweysan, qaarna maad fogeyn?


Anigu uma dhalan reer SSC, laakiin , waxaan Lud iyo Lafba aaminsanahay, inaan la khasaarin qadiyadii boqolaalka qof u shahiideen ee ahayd in la helo maamul SSC oo ka madax banaan Somaliland iyo Puntland. Sidaas darteed, waxaan kugula talinayaa:-


1.Waxa laguu dhiibay maamul buuxa SSC, leh baarlamaan iyo Dastuur. Adiguna aad ku biirisay Fullintii. Waa dowlad dhameystiran. Waxaa lagaa rabaa inaad hogaamiso dowladnimadaas dhameystiran.


2.Maamulkaas dowladeed, ma jiro meel uu Garaad ka soo galo. Sidaas darteed, lama fahmi karo sababta aad taladii dib ugu celineyso Garaadadii laga wareejiyey.


3.Reer SSC, uma dagaalameyn inay Somaliland ka xoroobaan oo Puntland ku biiraan.Sidaas darteed, marna ma dhici karto, in masiirka reer SSC, la hoos geeyo Puntland.


4.Doorashada iyo Xildhibaanada Puntland laga xulayo ma khuseyso SSC. Puntland, hadey soo xulato Xildhibaano reer SSC, waa faragelin qaawan iyo cadaawad aan ka yareyn tan Somaaliland ku hayso reer SSC, waana in sidaas loo arkaa.


5.Sababta Puntland u caawineysay SSC,ma ahayn inay Somaliland ka xoreyso si ay iyagu gumeystaan ee waxay u caawinayeen in ay helaan Maamul walaalahood ah oo ka dhinac dhisma oo garab iyo gaashaanba ay wadaagaan.


6.Xubin kasta oo reer SSC ah oo ka mid noqota baarlamaanka Puntland, waa inaanay cag soo dhigin dalka SSC. Baarlamaankuna waa inuu sharci ka soo saaro.


7.Garaadadu waa inay banaanka ka ahaadaan siyaasada. Adiguna, waa inaad masaafad is le'eg u jirtaa oo aanad kala dhaweysan, adigaa dhamaantood dowlad u wada ah.


8.Garaadadu xurmo iyo sharaf ayey mudanyihiin, dalkuna ma xoroobeen la'aantood, Sidaas darteed, waa inaad siisaan xurmada ay mudanyihiin. Garaada haddii khilaaf ka dhex dhasho, waa inaad dhex dhexaadisaa oo mar kasta khilaafkooda hoos loo xaliyo. Waana inaanad oggolaan, in khilaafka Garaadadu kor u soo baxo.


9.Waxa jira, Garaado dhibco ka dhex raadinaya Halganka iyo dowladnimada, isla markaasna loolan iyo tartan kula jiraa Garaado kale, mararka qaarna waxaa la dareemayaa inay Caasimada ka sheeganayaan Garaadada kale, waa inaad suulisaa dhaqankaas. Weligaa ma aragtey Islaan Ciise oo Garoowe cid ka sheeganaya?


Ugu dembeyn, mudane madaxweyne, waxaad tahay madaxweyne kalsoonidii dadka haystaa.


Sidaas darteed, talada dib ugu celi xukuumadaada iyo golaha baarlamaanka.Garaadaduna, iyagoo sharaf leh, waa inay siyaasada iyo maamulka dalka faraha ha uga qaadaan masuuliyiinta ay u xilsaarteen.


Qore. Naaleeye

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...