Deegaankee iyo Afkee Dunida ugu Da'weyn? Qaybtii 3aad.Nabi Nuux/Nuh Cs.

0
Thursday December 21, 2023 - 09:49:56 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deegaankee iyo Afkee Dunida ugu Da'weyn? Qaybtii 3aad.Nabi Nuux/Nuh Cs.

    Hadaba Bal aynu saafno magaca Nuux ama NUH,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba Bal aynu saafno magaca Nuux ama NUH,


 


 

 

Waa markale iyo taxanihii aynu ku eegaynay degelka iyo Afka ugu Facaweyn ama ugu qadiimisan aduunka, waxa se Mudan in aynu isla jaan qaadno si aynu u wada socono markaa waxa aan qalinka u qaatay in aan muujiyo in Afkeena Qaaliga ah ee layidhaahdo Afka Hooyo uu yahay Afka Aduunka ugu Faca weyn sidoo kale uu yahay AF uu Allaheena weyn ee weligii Jiraha ahi uu Si toos ah uu kula hadlay digayaal uu doortay sidoo kalana Malag Alle uu soo dirayna uu kula hadlay digayaal Alle oo Sharaf leh oo Alle Doortay!, Bal hay danbayso cadaynta in uu Alle SW Afkan noqday Afka Hooyo uu Weyne Digayaal kula hadlay, se aynu isla meel dhigno saddexdii Magac ee aynu Dhuraha u qaadanay ee aynu Erayo shushubaynay, Kalkana waa Magaca NUUX ama NUH ama NUUH.



 

Waa Maxay NUUX/NUH eray ahaan? Nuux-Nuh waa Magac waana Magacii Nabigii Illaahay NNKH ee Nuux-Nuh, oo ahaa Nabiga lagu nisbeeyo Aabihii Labaad ee Aadamaha, sidoo kale inaka Mar waa Nabigeenii Mudnaa Marna waa Wiilkeenii Ahaa Digihii Alle, Nuux/Nuh Cs wuxuu ahaa Digihii ugu xiliga wargelinta Dheeraa, ee Aadamaha ugu xili wax sheega dheeraa ama Nabigii intuu Dadka dacwada Alle u sheegaayey ugu xilliga dheeraa oo KUN sanadood oo Sanado la’ ayuu Dacwada Digenimo ama Nabinimo uu waday oo Fidinaayey!.


 

Nabi Nuux-Nuh Cs waxa la sheegaa inuu kasoo jeedo Faracii SIDE ama SITY ama SITTE ama SITHE, oo Ahaa ilmihii kaliya ee wax Mataan ahi ku sidkanayn ama la dhalan ee keli Dhasha ee Hooyadeen Xaawo Dhashay kaas oo Dumaalay ooridii Haabiil, waxa lasoo wariyaa in Side uu Dhashay sanadkii ku xiggay Dilkii Haabiil oo sanadkii 14aad ilaa 16aad ee dhalashadiisa dabadeedna Uu Dumaalay inantii Qaabiil uu Haabiil ka dilay, oo la odhan jiray Kal-Maanley ama Kal-Maanleh ama Kal-Maanle, inkastoo Magacyo kale oo lagu sheegaa jiraan gaar ahaan Dadka Kitaabyada samaawiga ah rumaysani ku sheegaan sida XALMA/HALIMA iyo HAWEEN ama HAWEENAY iyo KEENA.


 

Hadaba Bal aynu saafno magaca Nuux ama NUH, Afka Hooyo waxa Jira Saddex Qaab oo Afka loogu hadlo inkastoo jiraan Erayo Degel iyo deegaan u gaar ah se inta kale, kala siman degelada kale se qaab hadalka Afka Hooyo waa Saddex oo kala ah XAY-TIRI, MAY-TIRI iyo MAXAA-TIRI, ama Xay-tidhi, May-tidhi iyo Maxaa-tidhi, waa Saddex qaab oo gudboon oo Afka Hooyo loogu hadlo, Hadaba Sooyaalka Taariikhda Ummadda Hooyoleyda waxa ku cad in Xiliyadii soo taxnaa ee Sooyaalka Ummaddeena ee kor u dhaafaysa Kumanaanka sano in xiliba Qaab hadalka Afka Hooyo kolba midi Cudoonaa oo ahaa ka Dadka ugu tirada badani ku hadli jireen ama loo adeegsan jiray qaab Af ugu hadalka guud sida xiligan hada ee aynu jirno uu qaab Afka Hooyo ugu hadalka Maxaa-tidhi-Gu uu u yahay qaab u hadalka lagaga hadlo Ideecadaha sidoo kalana ah ka lagu qoro Qoraalada Wax-Barashada iyo War-isgaadhsiinta, waxa aan uga Socdaa in Qaab Af ugu hadalka Afka Hooyo aanay kala mudnayn se xili iyo Waayo iyo Ummad iyo waageed ama waayaheed Xiligu uu mid Cuddeeyoi inay qaab Afka Hooyo ugu Hadalka Mid uu bato tirada dad ee qaab u Hadal, Tusaale hada iyo xiligan aynu joogno qaab u hadalka ugu Hadal adeegsiga badani waa Maxaa-tidhi oo waaka Idaacadaha lagaga wada hadlo Maqal, iyo Maqal iyo Muuqaalba, waana taan u Hor mariyeyNuux ee NUUH ama NUH u Gadaal mariyey iyaga oo Afkii Hooyo hada wada ah.


 

Aan u Noqdo oo aan Gaal-leef ama Billaawe ama Bir ama Halliila ama Mandiil ama Mindi ama Golxob aan ku Saafo eraygii Nuux ama Nuh ee miiska inoo saarnaa Erayga Nuux-Nuh waa Magac hase ahaadee waa Eray Macno leh oo Afka Hooyo Dhawr siyood loo adeegsado isaga oo si Cudoon u dhigmaaya oo u Muujinaaya waxa uu u dhigmaayo ama laga wado adeegsigiisa,


 

Tusaale Afka Hooyo waxa uu leeyahay Erayo, eray ahaan keli macno sameeya hadana isaga oo laba eray oo isku xidhiidhsan noqdayna Macno ku sameeya waana Wax u gaar ah Afka Hooyo, Tusaale JOOG, JOOGSO, ha JOOGJOOGSAN, FADHI, ha FADHFADHIISAY, KAC, ha KACKACIN, HADAL, ha HAD-HADLIN, DHAQAAQ, ha DHAQDHAQAAQIN, BOODDO, BOOD, ha BOODBOODIN, maxaad iska XOQXOQAYSAA, waan xajiimooday oo waan is CUNCUNAYAA, Muudso, MuudMuudso,


 

Maansadii Good iyo Guuleed ee Tuu Tarabi ayaa waxa ku jiray :- Ha GILGILANIN buu yidhi, Go’ ha hagoogan buu yidhi, markaan Gano jidhkaagee dhiigaaga Gororsado, Guul la hel dheh buu yidhi, Garaac sacab kuu yidhi, markaa Afka Hooyo Erayo laba dhaclayaal ah baa jira sida:- Gil-Gil, Rux-Rux, Jiid-Jiid, SHiid-SHiid, Tuur-Tuur, Siib-Siib, Liq-Liq, Duur-Duur, Dur-Dur, Wer-Wer, Bash-Bash, Qaad-Qaad, DHig-DHig, Leef-Leef, Luq-Luq, Lux-Lux, Fur-Fur, Cun-Cun, Gaab-Gaab, Bur-Bur, Xab-Xab, Mid-Mid, Hal-Hal, Labo-Labo, Sadex-Sadex IWM.


 

Sidoo kale waxa jira Erayga NUUX, NUUXSO ha NUUXNUUXSAN iyo NUH ha NUHNUHLAYN, maxaad la NUHNUHLEEDAHAY ama La NUUXNUUXDA HAYSAAN ama La NUUHNUUHDA HAYSAA. Oo noqonayaa maxaad la dhurmaysaa,


 

Hadaba Erayga NUUX ama NUUH Waxa uu ku macnaysmayaa Afka Hooyo Socde, Duure, Wareege Taxane, Cimriye, Cimri yeeshe ama Cimri Dheere, Soo Jireen iyo RAAGE, iyo sidoo kale Dhurme ama Hadlaaye, ama Hadal-Badane ama Hadal lasoo Jooge ama Hadle ama wax u sheeg lasoo taagnaade, taas oo intuba caddaynaaya ruux cimri dheer lacimrisiiyey siduu Alle uu u cimrisiiyey mudada dheer Digaheenii Nuux ama NUUH ama Raage NNKH cimriga dheer ee 1,000 sanadood cagcageeyey.


 

Bal magaca Nuux ama Nuuh ama Nuh afkeena hada waa RAAGE aan ku dhaafo se eray ahaan waa Afkii Qadiimiga ahaa ee kama danbaystii Afka Hooyo ama Afkii Hooyo lagu magacaabay Nuux NUUXSO oo iska Nuuxnuuxsada oo iska Nafoxaada, waxa inoo Hadhay magaca Muuse oo ah…..………..Lasoco taxanaha iyo Qaybta Xigta.


 

Afku waa Mid Alle Baray

 

Iyo Mid Alle Baday

 

Iyo Mid sidayda Baranaaya

 

Khadar Hooyoley 21-12-2023

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...