Ixtiraam ayaan u haya Shakhsi walba oo faa-iido ukeena insaanka Waana tix Galiyaa Waxayna xaq u leeyihiin in la maamuuso.

0
Wednesday December 20, 2023 - 10:37:00 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ixtiraam ayaan u haya Shakhsi walba oo faa-iido ukeena insaanka Waana tix Galiyaa Waxayna xaq u leeyihiin in la maamuuso.

    Si guud waxaa loo tiriya ilaa 300 oo hal abuur inkasto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si guud waxaa loo tiriya ilaa 300 oo hal abuur inkasto

Waxaa lagu doodi karaa in Tesla uu yahay shaqsiga gacanta ugu wayn ka gaystay horumarka aadamaha e, xilligan casriga; iyadoo la xusi karo curinta iyo horumarinta wax qabadkiisa la xiriira quwadda korontada aynu isticmaalno nooceeda ugu muhiimsan e, AC ( Alternating Currenty) saasoy tahay hal abuurkisa hodanka waxaa curyaamiyay awood darro maaliyadeed, waxa una dhintay isago saboola oo godob badan ka tirsanaya qolyo uu aaminay se dhabar jabiyay oo ugu horeeyo Thomas Edison oo uu sannad la shaqaynayay, ahna ninka leh fikrada korontada nooceda loo yaqaan DC ( Direct currently) kasoo u diiday xita 50,000 dollar oo uu xaq u lahaa.


Laga soo bilaabo 1890 ilaa 1906-dii, Tesla waxa uu waqti badan oo naf hura uu ku bixiyay mashruucyo taxane ah oo ugu horeeyo inuu hindiso oo u hirgaliyo in nidamka gudbinta quwadda korontada uu gaarsiyo ilaa heer laga maarmi karo fiilo. (transmission of electrical power without wires.)

Shirkadda baaburta ku shaqeeya Korontada e, Tesla ayaa loogu magac daray isla Tesla si loo muujiyo maamuska iyo qadarinta loo hayo hal-abuuraha iyo injineerka korontada ee Nikola Tesla.


Si guud waxaa loo tiriya ilaa 300 oo hal abuur inkasto qaarkood muran ka taaganyahay qaar badanna la qariyo ama la xaqiro. Yeelkeede wuxuu aha insaan goba oo ku foogan horumarinta geeddi socodka nolosha basharka.

Mahadsanid Engineer Tesla.

✏️ Amiir sheeno
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...