"Hantidii Nagaga Maqnayd Iyo Xasuuqii Ay Soomaaliya Gaysatay Ayey Ku Darsatay Cadaawada, Anaguna Jawaab Ayaanu Bixinaynaa"
Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Mubaarig Yuusug Bidhi oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burco ayaa ka hadlay safarka madaxweynaha somaliland iyo weftigiisu ku joogaan wadanka Guine iyo go’aankii ay qaadatay dawlada Muqdisho.
Xildhibaan Bidhi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in safarka madaxweynuhu guul u yahay somaliland waxaanu yidhi "Waxaan u arkaa safarka madaxweynaha mid guul u soo hoyey somaliland kaas oo aan ku tilmaami karo mid soo dhaweeyey ictiraafkii somaliland maadaama oo uu soo jeediyey indhaha caalamka kuwa aynu la saaxiib nahay iyo kuwa cadawgeena ahba, madaxweynahana waan ku hambalyeynayaa safarkaas uu ku tagay wadanka Guinea.”
Sidoo kale xildhibaan Bidhi waxa u ka hadlay jawaab uu sheegay inuu bixiyey wasiirka arimaha dibada dalka Guinea "Wasiirka arimaha dibada ee dalka Guinea jawaab ayuu ku bixiyey hadalkii ka soo baxay dawlada Xamar waxa uu yidhi somaliland waa dal jira oo aanay waxba noo diidayn inaanu xidhiidh la samayno, Xamarna waxa uu cadeeyey inaanay xidhiidh lahayn waanan bogaadinayaa dawlada Guinea iyo mawqifka ay gaadheen.”
Xildhibaan Bidhi ayaa intaas raaciyey "Hadalada ka soo baxaya Farmaajo iyo maamulka Xamar ka soo yeedhaya waxay na xasuusinayaan wixii ay nagu sameeyeen waxaanan u arkaa hadalo qaldan iyo cadaawad ay u muujiyeen somaliland iyo shacabkeeda, kuwaas oo ka xun horumarkayaga, dawladaya iyo safarka madaxweynahayagu ku tagay dalka Guinea.”
Xildhibaan Bidhi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxaan leeyahay dawlada Xamar ee Farmaajo madaxweynaha ka yahay waxa nagaga kiin maqan hanti badan oo maraakiibtii iyo Somali airline ka mid tahay walina kamaynu xisaabtamin, waxa idinku maqan malaayiin dad ah oo aad ku layseen somaliland, waxaa nagaga kiin maqan xasuuqii aad dalka ka gaysateen walina nagamaydaan hadhin ee cadaawadii ayaad sii wadaan intaas wixii ka dambaysana jawaab ayaanu ka bixin doonaa anaguna waxaanu garab taaganahay madaxweynaha dalkan somaliland.”
Xisbiyada mucaaridka ah ayuu fariin u diray xildhibaan Mubaarig Bidhi waxaanu yidhi "Waxaan u soo jeedinayaa xisbiyada mucaaridka ah in marka ay noqoto qadiyada somaliland iyo difaaceeda meel looga soo wada jeedsado, marka madaxweynaha iyo dawladiisuna ay talaabo wanaagsan qaadaan hala taageero, cadawga somaliland meel halooga soo wada jeedsado.”
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkaas


0 





