Miyay Habboontahay In Telefoonnada Gacanta Habeenkii Dabka Looga Seexdo?
Sida laga soo xigtay
joornaalka sayniska iyo tignoolajiyada The Conversation, inta badan Moobilada
casriga ah waxay u baahan yihiin wax ka yar 30 daqiiqo in dabka loo daayo.
In taleefanka habeenkii
oo dhan dabka ay ku jiraan ma ahan mid wanaagsan waxaan taas ay keeni kartaa in
in awoodda batteriga uu hoose u dhac yimaado taas oo laga yaabo in qarax uu
sameeyo.
Waxa kale oo ay
khubaradu ku talinayaan in la iska ilaaliyo oo talefanka habeenkii aan la isku
soo dhaweeyn isagoo dabka ku jira taas oo leh halis caafimaad sida ay khubaradu
sheegeen.
Waa wax iska caadi ah
in qofka marka uu seexanayo uu dabka galiyo taleefanka balse waxaa hadda soo
baxay wallac weyn oo dhanka caafimaadka ah iyo xataa awoodda batarriga .
Maxay batarriyada qaar
ka mid ah u qarxayaan
Barfasoor Clare Gray,
oo ah khabiir ku takhasusay kaydinta tamarta oo ka tirsan jaamacadda Cambridge,
ayaa BBC-da u sheegtay in qaar badan oo ka mid ah tayada batarriyada ay yihiin
kuwa liita, ayna tahay shirkadaha tignoolajiyada in ay joojiyaan isticmaalkooda
.
Waxaa ay sheegtay hadii
ay shirakaduhu sii wadaan isticmaalka batarriyadana, arrintaasoo keeni karaa
khataro badan oo aan lagu baraarugsanayn.
Digniin ku saabsan in
habeenkii dabka looga seexo taleefoonka
Tallaabooyinka qaarkood
ee arrintan la xiriira waxay awood u siin karaan batteriga taleefankaaga inuu
shaqeeyo waqti dheer wuxuuna sidoo kale kaa caawin karaa inuu kaa ilaaliyo shil
suurtagal ah.
Cusboonaysii
taleefankaaga softiweerkiisa mar walba.
Isku day inaadan
telefoonkaaga kaga seexan dabka habenkii.
La soco batteriga mar
walba si aad u ogaato heerkiisa.
Haddii aad dareento in
mobile-kaagu kululaado ama batarigu bararayo, isla markiiba ka saar dabka.
Sanadkii 2016 Shirkada
Samsung ayaa dalbatay in loo soo celiyo taleefanka Galaxy Note 7 kadib markii
ay qarax sameeyeen qaar ka mid ah taleefonada.
BBC