Run iyo Been iyo dadka maanta jooga. (CaliBiixi)
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Been (Beentii) ayaa la kulantay Run (Runtii) oo Beer fadhida , waxay ku tidhi : waa maalin aad u fiican .
Runtii iyada oo ka shakisan hadalka Beeni sheegayso, ayay sifiican hareeraha iyo cirka u eegtay, waxay aragtay in Beeni run sheegayso.
Been baad ku tidhi Run :
Aan ku yara raaco , oo kula lugeeyo ,
Run way ogolaatay.
Markii danbe ayay Berked ku soo baxeen , Been ayaa tidhi: Waa Biyo aad u fiican oo lagu dabaalan karaayo.
Ee ma ku dabaalanaa?
Run ayaa inta ay Biyihii fiirisay , iyada oo ka shakisan hadalka Been Sheegaayo.
Run waxay aragtay in ay Runtii tahay Been oo uu Run sheegaayo.
(Run haa bay tidhi. )
Dharkii inta ay iska bixiyeen ayay Berkedii ku dabaasheen
Beentii inta ay si deg-deg ah Berkedii uga baxday ,
ayay gashatay dharkii Run lahaa.
Run markii ay aragtay,ayay eryetay iyada oo cadheysan oo damacday in ay dharkeedii kala soo hadho.
Dadkii markii ay arkeen Runtii oo qaawan ,
way ka wada jeesteen.
Runtii inta ay xishootay ayay Berkedii iskaga noqotay.
Beentii ilaa iyo maanta waa taas xidhan dharkii Runta , ee meel kasta taagan ee munaafiqiin u nacamlaynaaya ay hareeraha ka taagan yihiin .
Runtiina Berkedii ayay iskaga noqotay markii dharkeedii lagala cararay oo cid kale xidhatay ,
oo aanay kala garanayn dadkii Runtii iyo Beentii.
Cid xaqiiqo u hiilinaysaana aanay iminka jirin .
Oo dadkii laga waayay qof qudha oo dhar u geeya Runtii ama ku qabta.
Markaa Runtii waxay go'aansatay, inta dadkanu u baahanayaan Runtii ,
In ay meesheeda iskaga jirto.
Inta Been lagu wada nool yahay , oo raali laga yahay .
(Munaafaqad awgeed).
Dadka maanta dunida ku nool waxa loogu neceb yahay qofka Runta sheega .
Kaas ayaa ugu nasiib daran maanta dunida.
Cali Biixi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!