Haddii Adiga Oo Baahan Aad Liin-Dhanaan Heshid, Ka Samayso Cabitaan Liineed.

0
Tuesday December 19, 2023 - 15:21:34 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii Adiga Oo Baahan Aad Liin-Dhanaan Heshid, Ka Samayso Cabitaan Liineed.

    Akhriso Thelma Thompson, Dhibta Haysatay Iyo Sida Ay Dheef Ugu Rogtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso Thelma Thompson, Dhibta Haysatay Iyo Sida Ay Dheef Ugu Rogtay.


Waxa ay tiri "Markii dagaalladu dhacayeen, ninkaygu waxa uu ka shaqaynayay xero tabab-barka ciidanka ah oo ku taalla lama-degaanka Mojave ee New Mexico.Halkaas ayaa aan aaday si aan agtiisa ugu noolaado. Aad ayaa aan u dhibsaday meeshaas. Aad ayaa aan u diidanaa joogisteeda. Murugo intaas le`eg waligay ma dareemin. Ninkaygu waxa uu u baxayay carbin ciidameed oo uu u aadayay lama-degaankaas. Teendhadaas yar ayaa kaligay la iiga tagayay. 


Qoraxdu waa mid aad u kulul. Cid aan la hadlo majoogaan aan ka ahayn Maksikaanays iyo Hindi-Ameerikaan, ayaguna wax ingiriis ah maba yaqaanaan haba yaraatee. Dabayl aan kala go` lahayn ayaa dhacaysa, cuntada aan cunayno, iyo hawada aan neefsanayno dhammaan ciid ayaa ka buuxda. Ciid, ciid, ciid. Meel walba ciid.

Maskiinnimo aad ah ayaa aan dareemay, aad ayaa aan uga xumaa nafsadayda, waalidkay ayaa aana xaashi u qoray. Waxa aan u sheegay in aan ka quustay joogitaanka meeshaas oo aan doonayo in aan dalkii dib ugu laabto. Waxa aan u sheegay in aanan daqiiqad dambe u dulqaadan karin. Waxa aan ka doorbidi lahaa in aan xabsi ku jiro! Aabbahay ayaa ii soo war celiyey, labo weerood(jumladood) ii soo qoray, labadaas weerood ayaa waligeey maskaxdayda ku jira , labadaas weerood ayaa noloshayda beddalay. Waxa uu yiri:
• Labo nin oo xabsi kujira ayaa bannaanka eegay

• Nin waxaa u muuqday boorka dhulka, ninka kalena xidigaha cirka.

Labadaas weerood ayaa aan marar badan ku celceliyey akhrintooda. Waa aan isku yaxyaxay. Maskaxdayda ayaa aan dib uga fakarsiiyey, waxa aan go`aansaday in aan raadiyo dhanka wanaagsan ee xaaladdayda. Waxa aan go`aansaday in aan xidigaha eego.

Dadkii dalka ku noolaa ayaa aan la saaxiibay, dhabtiina falcelintooda waa aan u bogay. Markii aan tusay in aan danaynayo dharsamayntooda iyo habka ay weelasha u sameeyaan, waxyaalo ay aad u jeclaayeen oo ay ka diidi jireen in ay dalxiiseyaasha ka gadaan ayaa ay hadiyado ahaan aniga ii siiyaan.
Waxa aan kala bartay noocyada kala duwan ee dhirta meeshaas ka baxda.

Xayawaanka lama-degaanka ayaa aan kala bartay, qorrax dhaca lama-degaankana waa aan daawan jiray.
Is-beddalkaas cajiibka ah oo dhan maxaa keenay? Saxarihii Mojave waa sidiisii oo isma beddalin. Dadku waa dadkii. Balse waa aniga waxa is beddalay. Aniga ayaa qaab-fekerkaygii beddalay. Sidaas haddii aan sameeyeyna, niyad-xumo aan dareemayay ayaa aan u beddalay farxad iyo dalxiiskii ugu macaanaa ee noloshayda. Waxaa aad ii xiiso iyo dhiiro galiyey dunidaan cusub ee aan helay. Aad ayaa aan uga helay illaa aan buug-sheekeed ka qoray oo aan u bixiyey "Bright Ramparts”(Dhufayskii Dhalaalayay) . Xabsigii aan anigu isku abuuray ayaa aan korkiisa eegay, kadibna xidigaha ayaa ii muuqday.”

HALKA AAD TAAGANTAHAY HADDA BOOR IYO BUSBA WAA KAAGA MUUQAN KARAYAAN, XIDIGANA WAA KAAGA MUUQAN KARAYAAN. WAXA AY KU XIRANTAHAY IN AAD KOR EEGAYSID IYO IN AAD HOOS U JEEDID.
DHIB WALBA DHEEF AYAA KU HOOS JIRTA WALAAL.
HA QUUSAN.
Xigasho buugga: How To Stop Worrying And Start Living. Dale Carnegie.
Tarjumiddii Dr Jama Sahal
xigasho
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...