SHEEKO GAABAN OO NOLASHA KU SAABSAN.

0
Tuesday December 19, 2023 - 15:02:45 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    SHEEKO GAABAN OO NOLASHA KU SAABSAN.

    Intaas kadib bay waydiisay waxa ay ka dhiganyihiin, aabihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intaas kadib bay waydiisay waxa ay ka dhiganyihiin, aabihii


maalin ayay gabadhi aabaheed u timaaday ayadoo ka cabanaysa in nolasheedu wada rafaad iyo dhibtahay, waxayna ku doodaysaa inaysan nolasha sii wadan karin ayadoo ku u anaynaysa in markii ay dhib nolasheeda ka mida xalisaba hadana mid kale ku imaanayo.


Aabeheed ayaa intuu gacanta qabtay wuxuu geeyay jikada wuxuuna shiday dabkii isla markaana saaray sadex killi mid kii 1 wuxuu ku riday baradho, kii 2 ukun( beed), kii 3aadna bun, kadibna waa iska fadhiistay asagoon waxba uga sheegin gabadhiisii waxa uu ula jeedo.

Gabadhiina iska fadhiisatay ayadoo yaaban, samir badan kadib daqiiqo badan markay ka soo wareegatay ayuu odaygii dabkii ka soo qaaday saxan soo qaaday ku rid baradhadii iyo ukuntii bunkiina halkan soo dhigay, kadib ayuu dhahay kaalay aabo wuuxana u sheegay inay taabato baradhadii markay taabatay ayuu waydiiyay maxaa isbadala oo kuyimiday , waxay u sheegtay inay jileec noqotay, hadana wuxuu ku dhahay ukunta taabo oo jabi(qarxi) markii ay taabatay isla sidii hore ayuu waydiiyay isbadalka markaas bay u sheegtay inay adayg noqotay oo dareerihii hoosta ku jiray adayg isu rogay, hadana bunkii buu dhahay ka qaad daboolka markay ka qaadayna caraftiisii ayaa sanka ka gashay wuxuuna waydiiyay maxaa jira waxayna u sheegtay inuu caraf leeyahay.

Intaas kadib bay waydiisay waxa ay ka dhiganyihiin, aabihii ayaa bilaabay sharaxaada casharka meesha ku jiray ee uu ka maaganaa.

wuxuu ku bilaabay aabo sadexdaan shayba waxay la kulmeen cadaadis isku mid ah (dabkii) balse mid walba si gaara ayuu uga falceliyay, baradhadiii buu ku bilaabay asagoo leh aabo baradhadu markii hore way adkayd lkn hada waxay isu rogtay jileec markii ay la kulantay cadaadiska, ukuntuna waxay isu rogtay adayg oo dareerihii hoosta ku jiray ayaa noqday ku adag, halka bunkiina markii la karkariyay uu la soo baxay caraftiisii noqdayna ku sanka lala raaco.

wuxuuna waydiiyay ? seed noqotaa marka duruufuhu albaabkaada soo garaacaan? seed uga falcelisaa? keed tahay ma baradhada , ukunta mise bunka?

gabadhiina waxaa u dhacay casharka uu aabaheed ka lahaa meesha oo ahaa in nolasheena ay wada caqabado tahay waxyaalo badan oo aynaan jeclaysanayna inagu dhacayaan ayagoon inala tashan xaaladeenana aan inoo tixgalinayn, balse waxa ugu muhiimsan uu yahay sida aynu uga falcelino oo ah miyaynu isi dhiibaynaa duruufahaas oo nolasha ayaynu ka tanaasulaynaa mise waxbaynu ka baran oo casharo nafteena carfiya ayaynu kala baxaynaa.
allena waa tuu kitaabkiisa ku yidhi
..........
الم ۝ أَحَسِبَ النَّاسُ أَن يُتْرَكُوا أَن يَقُولُوا آمَنَّا وَهُمْ لَا يُفْتَنُونَ ۝ وَلَقَدْ فَتَنَّا الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَلَيَعْلَمَنَّ اللَّهُ الَّذِينَ صَدَقُوا وَلَيَعْلَمَنَّ الْكَاذِبِينَ ۝
"Alif laam miim, dadku ma waxay maleeyeen in looga tagaayo inay yiraahdaan waan
rumeynay oo kaliya, iyagoon la imtixaanin? Dhab ahaantii waan jirrabnay kuwii ka horreeyay
(iyaga) Allaahna wuu ogaan kuwa runta sheegaya, wuuna ogaan kuwa beenaaleyaasha ah”
(Al-Cankabuut: 1-3)

Sidaas darteed nolashu waa wada caqabadee yaynaan isu dhiibin samir iyo adkaysi aynu ku qaabilno, dhib walbana xal buu leeyahay iyo dhammaad.

mahadsanidiin.
isbadal doon.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...