Hantida ugu qaalisan ee aynu haysano maahan wakhtiga ee waa caafimaadka.

0
Tuesday December 19, 2023 - 10:12:55 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hantida ugu qaalisan ee aynu haysano maahan wakhtiga ee waa caafimaadka.

    Marka aad fariimahaas hesho waa inaad xal u raadiso...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka aad fariimahaas hesho waa inaad xal u raadiso...


Waxaa laga yaabaa in qof kasta oo inaga mida uu mar walba maqlo ayadoo la leeyahay "wakhtigu waa waxa ugu qaalisan ee aynu haysano", waa run oo wakhtigu waa qaali lkn waxaa ka qaalisan caafimaadka.
Tusaale waxaad nooshahay 40 sano hadii aad intaaba sariir yaal tahay wakhtigu wax macno kuuma samaynayo, kaliya wuxuu wax tar kuu leeyahay wakhtigu marka aad caafimaad qabto eed wax qabsan karto.
Sidaas darteed waxaa muhiima inaynu ilaashano oo ka war hayno caafimaadkeena intaynu awoodno.
Jidhkeena alle wuxuu u sameeyay dareemo uu inoo muujiyo marka dhib ku yimaado,kuwaas oo ah baaq uu inoo dirayo.


Tusaale hadii caloosha,madaxa qoorta ama xubin kale uu ku xanuuno waa fariin sheegaysa in cilad ka jirto halkaas.

Marka aad fariimahaas hesho waa inaad xal u raadiso oo aad caafimaadkaada hubiso, sababtuna waxaa weeye xanuun kasta oo aadamaha ku dhaca wuxuu leeyahay ka hor tag oo ah kan ugu muhiimsan, hadii xanuunku qofka haleelana horay in loo daaweeyo ayaa ka muhiimsan in aad dhakhtar ku orodo goor ayba iska yartahay waxa laga qaban karo. 

Waxaa dhacda oo suura gal ah xanuun aad iska talaali karto qiimaha talaalkiisuna yahay wax ka yar 10 dollar inaad hadhaw daawayntiisa aad dhul fog u aado qarash badana kaaga baxo.


Waxaa kaloo dhacda xanuun markii uu bilawga kugu ahaa aad dhayalsatay oo hadii aad markaa aad is baadhi lahayd wax yar kaaga bixi lahaa in aad daawo u waydo intuu xanuun daba dheeraaday kugu noqdo.
Hal midna ogaada jidhkeenu maahan dhagax, maahan bir ee waa maqaar,xubno iyo lafo isku dhisan, hadaynaan waxaynu cunayno iyo wax kasta oo nolasheena ah oo wax yeelaya ka fakarin waxay ka dhigantahay inaynu gacanteena isku dilayno.

F.G. qoraalkan ugama jeedo inaan dadka tashuush ku furo lkn waa wax xaqiiqa oo jira una baahan in laga war hayo.

Waxaa qoray {Soohane Abdi}


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...