Sagoontintaydii Nolashii Asalka Ahayd. Qaybtii 1aad

0
Monday December 18, 2023 - 15:23:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sagoontintaydii Nolashii Asalka Ahayd. Qaybtii 1aad

    Maalmo badan oo war iyo rajo wanaagsan la naawilayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmo badan oo war iyo rajo wanaagsan la naawilayay


Xiligu waa xilli roob waa ah,bulsho walba oo deegaan lagu yaqaanay hada waa ka hayyaantay oo meeshii baad iyo biyo lagu sheegay bay ula huleeshay nafteeda iyo noolihii ay haysatay oo geela iyo adhigu u horeeyaan,qoyskayga oo ahaa geelay oo meel kasta oo geeloodu ku samaanayo la aadana kama duwanayn dadkaas hayyaanka galay ee deegaanadii lagu yaqaanay ka huleelay. 


Dhulka aanu markaas daganayn ee aanu dagsiimada u ahayn wuxuu ahaa dhul buuralay iyo dooxooyin isku dahaadhan u badan, wuxuuna ahaa dhulka loo yaqaano carro cadka.

Markii roob waagu dhacay ragii waa waynaa ee doobtu u horaysay waxay aadeen sahan dheer oo sahay badan loo qaatay ujeedkuna ahaa in war laga keeno dhulka ciid loo yaqaano ee dalsanka ah,maxaa wacay waxaa lagu tuhmayay roob gudgude ahaa inuu dhulkaas u jiifsaday, geeluna wuxuu bixinayay fariimo ah in dhulkaas bilaa saxal yahay, oo habaynkii marka golaha la soo tubo wuxuu afka saari jiray oo u wada jeesan jiray dhulkaas.

Maalmo badan oo war iyo rajo wanaagsan la naawilayay waxaa reerihii ku soo laabtay ragii sahanka aaday oo ifafaalo wanaagsan foolkoodu xanbaarsanyahay,habaynkii shaah dhako jabiya ah la shushubay,kadibna waraysi baa laysku bilaabay iyo waxa ragaasi soo arkeen, ninkii u waynaa warka qaaday oo aad ugu tiiqtiiqsay waxay dhul mareen,dagsiimooyinka yaalay iyo waxay doog iyo dulinba ku soo arkeen, kadibna ragii kale la warsay bal in dhulkay soo arkeen geedi dheer oo habaqle ah loo gali karo iyo in kale, ragu waa rag waa wayn oo dhulka isla fahmayee ragii kalena waxay tibaaxeen in halkaasi rajo ka jirto xooluhu ku baxsan karaan.

Markaas anigu waxaan ahay wiil yar oo kuray xoogle ah warku si fiican buu iigu socdaa oo waxaa i shidayay dareen cid walba oo nolashaas soo martay fahmayso oo ah in caruurta iyo kurayduba jecelyihiin geediga, sababtu maxay tahay tolow? Mooji.

Waxaa taas ii dheeraa oo dhegtayda dhawr jeer si duul duul ah ku soo gaadhay in dhul dheer iyo wadan aanan aqoon oon ahayn dalkaygii aan ku koray in lay gayn doono oo waxbarasho la ij wado, balse war toos laygu sheegay ma ahayne xan ahaan buu iigu soo gaadhay. Habaynkaas il iyo baal isuma keenin oo sidii geel jalaqle ah oo ceelkii uu aroortii ka cabi lahaa dul fadhiya ayaan joog iyo jiifba diiday. 

Waagii bari oo geeli caano layga lis dardaaran adagna nala sii ani iyo wiil walaalkaya oo ahaa da'da iga wayn dardaarankaasina wuxuu daarnaa in habayn danbe degmadu geedi tahay ciidna loo hayaami doono sidaas darteed aanu aad geela u ilaalino oo asagoo dhan aanu caawa golaha soo fadhiisino ooda bari laga rogi doonana aanu aad u adkayno markuu soo fadhiisto.haye iyo hadal san lagu kala dhaqaaq aroortaas.

Habaynkii balanku ahaa in reerka geedi loo xidh xidho golihii laysugu yimid oo lays warsay in degmadu dhantahay iyo in kale,markii la ogaaday inaysan wax baadi ah jirin ragii tashay oo waxaa gorfayn lagu bilaabay sida reerka barri loo rari doono iyo sida hawsha loo qaybsan lahaa. Taladii markii la soo afmeeray waxaan ku jiray kuraydii lagu taliyay inay geela ciid afka u saaraan,dhulka loo socdo magaciisa hada si fiican baa naloogu tibaaxay oo waa dhul aan hada ka hor geel ku xerrinay, Xaajo markii sidaas lagu gudoomay layslana gartay in aysan degsiimada qoraxdu deegaankan ugu soo bixin oo goor hore la raro ileen hayaan dheer baa sugayee baa la kala seexday.

Xili hore oo ahayd waabariga hore geelii nirgaha lagu sii daa wixii laga maali karayay la maal kadibna oodii geela laga rog,dhulkii uu yaqaanay in subaxaa laga wado asba dareen oo ciid iyo dhulkii uu wax ku tuhmayay in loo safrinayo markuu aqoonsaday sibirta isku tax, isu duwa mooyee hawl kaleba laga waa.

Socod iyo daal badan kadib geeli ciid iyo halkii loo waday gaadh,balse reerihii intoodii kale waa maatoo dhawaanahan lama filanayne 4 cisho kadib bay yimaadeen ayagoo bayhoofka hayyaanku dhafoorkooda ku dheehanyahay,layska deg halkii lagu nasay oo daalkii iyo wixii dhul abaari leeftay oo hanfugu ku leefayo laga soo maray laga raysay oo doogii laga helay dhulkaas oo aad soo guurtadu ugu badnayd layskaga raysay.
Mudo kadib wiil walaaladay ugu waynaa oo markaa nin wayn ahaa booska aabahay alle haw naxariistee noogu jiray baa habayn geelu soo xero galay si kadis ah iigu sheegay inaan bari tagi doono oo aadi doono deegaan aad nooga dheeraa markaa,ujeedkana wuxuu ahaa in geela awawgay hooyo oo galbeed ka soo hayaamay aan u doono geel aanu lahayn oo geelaas ku jiray.

 Warkaas markaan maqlay hiyi kac baa i galay dareemo kala duwan leh,dhulka geela awoowe joogo waa dhul aan aqoon u lahaa balse waxaa cabsi igu haysay inaysan jirin cid dhulkaas hada degan oo u dhaxaysa meeshan aanu markaan joogno iyo meesha geelaas lagu sheegay oo waliba tuhun ahayd ee aan la hubin lkn la sheegay uun in geelaasi dhulkaas u kacay, mar waxaan is dhahay ma diidaa hadana waxaan is dhahaa war abtiyadaa bal soo arag waligaa maadan arage, naftaydu waxay marba wax iigu sheekayso go'aan wuxuu ku soo uruuray inaan xinyahayga tiigsado oon aroortii caagada biyaysto isla markaana dhulkaa buuralayda waaqla'da ah aan u badheedho inaan ka gudbo wax walba aanu iska mudanee.
............
....
DHAMMAAD QAYBTII 1AAD.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...