Baadi Goobka Dhuuniga, Baa Go'a Loo Hagoogtaa ( Abdi-Shotaly).

0
Monday December 18, 2023 - 09:57:35 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Baadi Goobka Dhuuniga, Baa Go'a Loo Hagoogtaa ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Godob Aan Hadhayn abid, Baa Guudka Sudhan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Godob Aan Hadhayn abid, Baa Guudka Sudhan.



Halka waxan ku soo gubinayaa maanso aan kula hadlaayo, kuwa sidda xun u ceesha, ee uu risiqii ka galay, reer hebel ka hor gee reer hebel kale, isku dir iyo kala fogaynta ummadda, xil raadsi, si uu hantidda ummadda ugu xado, beel nacayb iyo midda uu ka soo jeedo oo uu khalad ku taageero. Iyadda oo sidaas ah xaalka hadeer taagani, bal ila akhriya waa tan maansadiiye:-



 

Ruux ku nool Guhaadiyoo,

Duli iyo gunima xumo,


Sidda gabadh shaqaale ah (jaariyad)

Loo diro girgire maydh,


Sidda gaban yaruu dhalay,

Gaadiid askari u ah,


Marka gawsku buux-samo,

Gobol-Kiisa loo diro,


Lagu yidhi gasiin sii,

Qolo-qolo u kala gura,


 

Afar-Taasi waa gaar,

Runtu soo gudbi-naysoo,


Xaqa Lagu gar-daadshaye,

Ga'dda kale waxay Tahay.


 

Marna Yaan Go'aan Li'i,

Geb-geb-Luhu jar kaa ridin.


Hadba Gees Laguu Wadin,

Gadh-wadeen laguu Noqon-


Hana Noqon Gar iyo Daw,

Ruux Garaadka Loo Sido,


Ama Lagu Dan-gaadhoo

Lagu Guuro Weliggii,


Calooshuun u guuxoo,

Loo tuuro guno oo,


Loo qooyo ganaf-koo,

 

Afar-Taasi waa gaar,


Runtu soo gudbi-naysoo,

Xaqa Lagu gar-daadshaye,


Ga'dda kale waxay Tahay.

 

Cad-quudheedka gaar u ah,


Gacalkii ka cararoo,

Baadi goobka dhuuniga,


Nacab garabka saroo,

Guul mooday noloshaas,


Gudcur baa u hoy noqon,

Gobonimana kala tega.


Goblan weeye taladiis.

Aqoon gaaba weeyoo,


Markuu go'o ayuun garan,

Ruuxii god loo qoday,


 

Afar-Taasi waa gaar,

Runtu soo gudbi-naysoo,


Xaqa Lagu gar-daadshaye,

Ga'dda kale waxay Tahay.


 

Gudin-taysu qaataw,

Isku goysey Luquntee,


Isu geliysey gacantoo,

Cadaw-gaysu gawracday,


Gunta iilka isu dhigay,

Isagay is gunaaday,


Muxuu Geeri Dhaamaa?

Allaw yaan garaad-kiyo.


Garashadu Hunguri noqon.

Ruuxii abaal galay,


 

Afar-Taasi waa gaar,

Runtu soo gudbi-naysoo,


Xaqa Lagu gar-daadshaye,

Ga'dda kale waxay Tahay.


 

Kuu u galay muxuu dilay.

Isna gocasho oy baa,


Gabal-kiyo habeenkii,

Ilmo gobo ka leedahay,


Waa duni ka guur ahe,

Misna lagu guneeyaa,


Godob aan hadhayn abid,

Baa guudka loo Sudhay,


Kala geeyey umadoo,

Guryo nabadda isku guba,


Waa halkay ku geysaa,

Gar diid-nimadda aad tahay.


 

Akhrisraw waxan ku soo xidhay maqaalkan, Rabbaw ha naga qaadi iimaanka, sharafta, isku kalsoonidda, dad-nimadda, oo naga dheeree in aan noqon in mid aan waxba ahayn ( waa Raggii ma adigaa ka hadhaye) uu noo isticmaallo sidda xoolaha, oo aanu noqono wax uu kaasi iska leeyahay, siduu Doonana ka yeello ( Waa sidda ay imika yihiin) Kuwa sare ku qoran iyo qaar kaloo badan, oo iyana kaba sii liita, sidda Hiliblaha Xasan Share, Xinif, Bukhaari Iyo buuni inta la Nooca weeye. Waxan kaga baxay, Illaahay yaan risiqu halkaas naga gelin, oo dulinmo sidda kuwaas aanan anaku is badin.


 

* N.B Godob Aan Hadhayn abid, Baa Guudka Sudhan.


Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...