Dhaawaciyo Dhimashada Dhulkeena,Dhacaye Ina Gaadhay,Kulmiyay Noosii Dhiteeyay.

0
Sunday December 17, 2023 - 16:50:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaawaciyo Dhimashada Dhulkeena,Dhacaye Ina Gaadhay,Kulmiyay Noosii Dhiteeyay.

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


1-Dhulkeeni Dhamacba Ka Ogan,Dhaqaalihi Wuu Hagaasay,

Dhuuniga Lama Goyn Karayo,Dheriba Reeran Dab Saarin,



Dheeftiiba Cidhiidh Noqotay,Dadkii Wuu Kala Dhaqaaqay,

Dhoohane Anigunba Hadlaye,Dhegaha Laga Wada Furaysay.


2-Dhawan Waxan Dhawraya,Dhaciyo Boob Loo Dhaqaaqo,

Dhaqankeenii Kala Dhantaalan,Dhawaaqiyo Qaylodhanta,


Dhawdhwda Caduur Ma Dhaado,Dhibane Waa Yeelkadiisa,

Dhoohane Anigunba Hadlaye,Dhegaha Laga Wada Furaysay.


3-Dhawrba Dhergayo Dhakoolay,Dhibaatada Aan Dareemin,

Dhaqaaqo Dhalinyaro Tahrebe,Badahay Ku Dhamaanayan,


Dhulkeeno Xamar Looga Dhooofo,Dhabaa Lagu Sheegayaa,

Dhoohane Anigunba Hadlaye,Dhegaha Laga Wada Furaysay.


4-Dhaxalka Kulmiya Dhiteyay,Dharartu Xamar Gacan U Dhibo,

Dhimasho Umadaw Horseeday,Dhuuxiyo Jiidh Marku Dhmeye,


Dhoorkana Weli Feedhanaayo,Dadkeenii Miyuu Dhammaaday?

Dhoonane Anigunba Hadlaye,Dhegaha Laga Wada Furaysay.


Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...