"Madaxweyne Obama Iyo Odaygii Shexaaday ,Markii Uu Kenya Yimi. Cali Biixi

0
Saturday December 16, 2023 - 14:53:06 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Madaxweyne Obama Iyo Odaygii Shexaaday ,Markii Uu Kenya Yimi. Cali Biixi

    Madaxweyne Obama waxa uu ku yidhi ninkii ;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Obama waxa uu ku yidhi ninkii ;



Booqashadii uu beri dhawayto madaxweynaha dalka Maraykanka ( Barak Huseen Obama ) ku tegey dalka Kenya , ayaa waxa u yimi oo shexaad ugu nin yidhi, oday ay Aabahii ay ilmaadeer ahaayeen oo waxa la yidhaahdo Xasan Mubarak .


 

waxaanu uga waramay in uu yahay nin (waayeel ah) oo sabool ah oo caruurtiisii iyo caruurtii ay siidhaleen gaadhayaan 102 qof , dhamaantoodna aanay waxba haysan , markaa waxa uu madaxweyne Obama ka codsanayaa in uu caawiyo oo wax siiyo .



 

Madaxweyne Obama waxa uu ku yidhi ninkii ;


marka aan iminka dalkii ku noqdo ayaan wax kuu soo dirayaa waxaanu waydiiyay ? halkee kuugu soo hagaajiyaa ?


Ninkii (odaygii) inta uu hareerihiisa eegay , ayaa waxa uu isha ku dhuftay Madaxweynihii dalka Kenya oo agtaagan isaga .


ka dibna waxa uu ugu jawaabay ; Madaxweynaha Kenya iigu soo hagaaji oo magacaygana u sheeg .

 

Odaygu waxa uu filayaa in aanay jirin cid ka aaminsan madaxweynaha dalka ,


ilayn waaba lagu aaminay xilkii dalka iyo dadka oodhan .


 

Madaxweyne Obama markii uu dalkiisii ku noqday , ayaa waxa uu odaygii u soo diray (hal milyan oo dollar ) ($1.000.000)


Lacagtii markii ay soo gaadhay madaxweynihii dalka Kenya ayaa waxa uu u yeedhay wasiirkiisii madaxtooyada oo uu ku byidhi : lacagtan (nus milyanka ah)($500.000) ah ee dollar. waxaad gaadhsiisaa muwaadinka saboolka ah ee la yidhaahdo: Xasan Mobarak ,


 

Wasiirkii waxa uu u yeedhay wasiirkii Maaliyadda oo uu ku yidhi :lacagtan ($250.000) ee Dollar waxa aad gaadhsiisaa muwaadinka saboolka ah ee ay la yidhaahdo: Xasan Mobarak .


 

Wasiirkii Maaliyaddana waxa uu u yeedhay Maayar-kii Magaalada oo uu ku yidhi : lacagtan: ( $50.000) ah ee Dollar waxa aad gaadhsiisaa ninka saboolka ah ee la yidhaahdo: Xasan Mobarak ee magaaladan deggen .


 

Maayar-kiina waxa uu u yeedhay xildhibaankii deggaanka ee ka soo jeeday beesha uu ka soo jeedo ninkan saboolka ahi , waxaanu ku yidhi : lacagtan ($10.000 ah ) ee dollarka ah waxaad gaadhsiisaa ninka la yidhaahdo: Xasan Mobarak ee aad isku beesha tihiin .


 

Xildhibaankiina waxa uu u yeedhay suldaankii beesha uu ka soo jeedo Xasan Mobarak , waxaanu ku yidhi : lacagtan ( $3000 ) ee dollar ah waxaad u geysaa ninka la yidhaahdo Xasan Mobarak waad garanaysaaye .


 

Suldaankiina waxa uu u yeedhay Caaqilkii reerka oo waxa uu ku yidhi: waxaad ku tidhaahdaa odayga la yidhaahdo Xasan Mobarak : inankii aad adeerka u ahayd waxa uu kuu soo diray ($1000 ) Dollar oo qudha .

 

Caaqilkiina waxa uu u yeedhay odaygii oo wuxuu ku yidhi : inankii aad adeerka u ahayd waxa uu kugu yidhi , iminka waxba gacanta kuma hayo ,


laakiin arinkaagii waan xasuusnaanayaa ,

ilaahayna waan kuu baryayaa inuu ku caawiyo .


 

Ninkii (odaygii ) halkii milyan ($1.000.000) ee uu u soo diray inankii uu adeerka u ahaa ee mucaawanada ahaa ,

sidaas ayaanay waxba uga soo gaadhin , oo ay jidka u fadhiisteen kuwii uu moodaayay in ay ummadda ugu aaminsan yihiin ee uu u wakiishay .


 

Hadaba shacabka iyo ummadda wixii dunidu ku caawiso ee ay tidhaahdo dadka saboolka ah wax haloogu qabto ama ha la siiyo ,


bal marka ay jidka u fadhiistaan kuwii loogu soo dhiibay, maxaad filanaysaa ee rajo ah ee dadkaa iyo dalkaasu yeelan doonaa ?


 

Waa musiibo weyn sida musuq-maasuqu mas’uuliyiinta qaranku dhaqanka uga dhigteen, dhaca hantida ummadda .


Mucaawanooyinka iyo taageerada beesha caalamku ina siisona ,


sidan oo kale ayaanay shicibka iyo dalka toona waxba uga soo gaadhin .

 

Cali Maxamed Biixi

CaliBiixi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...