Dalkan Aanu Soo Dagaalamay,Sidaan Doonayeen Rabay,Haddii Daayin Igu Simay,Cidna Ugama Degayo Dad Baan Jirin La Amino.

0
Saturday December 16, 2023 - 14:46:35 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalkan Aanu Soo Dagaalamay,Sidaan Doonayeen Rabay,Haddii Daayin Igu Simay,Cidna Ugama Degayo Dad Baan Jirin La Amino.

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha

 

 



Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 


 

 

Dalkan U Soo Dagaalamay,Ee Daayin Igu Simay,

 

Dadkisuna I Doorteen,Sidan Doonayeen Rabay,



 

Anoon Dunida Gaadhsiin,Duul Kaluun U Dhiibo,

 

Daba Fadhiiso Daw Ma Ah,Iyado Dagaal Jiro’e,


 

Qaran Nimaan Difaacayn,Dawlad Laguma Amino,

 

Digtatoor Anoon Hayn,Dumintiisan Ma Ogoline,


 

Durduru Ku Jabay Geele,Dega Oo Cagaha Dhiga,

 

Dib Haynoogu Celinina,Murankii Ina Daashaday,


 

Daasado Lay Garaaciyo,Kuma Dido Durbaanada,

 

Dawladahii Aduunkeen,Dabasoconay Gaadhaye,


 

Duul Waalan Baad Tiine,Daaqada Laynoo Furay,

 

Daaha Yaan La Saarine,Intanay Soo Degaayaan,


 

Daaya Hadalo Dalabliyo,Waxkastoy Ka Didayan,

 

Degashada Cadaawaha,Waa Inaad Ka Dirirtaano,


 

Diyaar Aad U Noqotaan,Dalkan Inaad Xoraysaan,


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...