Maayar Mooge: Halyey Soo Baxay Xilligii Loo Baahna

0
Saturday December 16, 2023 - 11:08:02 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayar Mooge: Halyey Soo Baxay Xilligii Loo Baahna

    Waddooyinka magaaladu waxay ahaayeen kuwo burbur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddooyinka magaaladu waxay ahaayeen kuwo burbur


Caasimadu waa muraayadda dal kasta laga daawado, horumarkeedu iyo bilicadeeduna waxay sawir ka bixisaa dalka oo dhan iyo waxqabadaka iyo kartida cidda hogaanaka u haysa dalkaasi. Doorashadii mayor Mooge ka hor caasimadu waxay ku sugnayd runtii xaalad aan la eegan karin dhinac kasta oo laga eego. Nadaafada waxay maraysay heer laga dayriyo bedqabka iyo caafimdaadka dadka. Dooxa dheer ee dhexmara magaaladu oo ah meesha ugu horreysa ee ishu qabato, wuxuu isu bedelay god xashiishkla lagu daadiyo iyadoo dadku marka ay dul maryaan biriijyad ku yaal dooxu ay sanka ka qabsadaan insdhahana kal boodaan.



 

 

Waddooyinka magaaladu waxay ahaayeen kuwo burbur iyo dayac xad dhaaf ahi ka muuqdo oo gaadhiga muddo gaaban ku socdaa uu burburayao. In kastoo maayarkii hore uu mudnaanata kowaad ka dhigtay wax ka qabashada waddooyinka isla markaana uu dadaal badan muujiyey haddana wixii sii waxay ku dambeeyeen biyo col dhaanshay.


 

 

Marka lagu daro dooxa, magaaladu waxay leedahay meelo bannaan oo dan guud ah oo haddii la daryeelo bilicda magalaada iyo caafimaadka dadka wax weyn kusoo kordhin lahaa. Nasiib darro dhamaantood waxay ku sugnaayeen xaaalad la mid ah ama kasii liidata ta dooxu ku sugnaa.


 

 

Mayor Mooge mudadii yarayd ee uu xilka hayay waxa magaalada ka muuqda horumar dhinaca kasta leh oo dadka horumarka Somaliland jecel yididiilo wanaagsan ku abuuraya. Nadaafadda magaalada oo dhan ayaa kor u kacaday, iyada meelaha qaarkood aad dareemayso inaad joogto waddan horumarsan. Dooxii mar indhaha iyo sanka laga qabsan jiray iyo goobihii kale ee xashiishku buuxiyey sida dhaamamkii ayaa isu bedelay goobo loo dalxiis iyo temeshle tago.


 

 

Waddooyinka magaalada ayaa iyana isbedel weyni ku yimi. Waddooyin cusub oo hab casri ah loo dhisay loona calaamdeeyey iyo dayactir baahsan oo lagu sameeyey kuwii burbursanaa ayaa yareeyey sixmaddii isla markaana dalka iyo dadka baaburta wata u savegreeyey kumaankun dollar oo awel baaburta lagu dayac tiri jiray.


 

 

Inkastoo dadkii tirada badnaa ee Mayor Mooge codkooda siiyey ay ku faraxsan yihiin waxqabadkiisa iyo dadaalkiisa, haddana waxa jira dad xaasidnimo iyo hinaase madax maray oo ooisku dayaya inay ceebeeyaan maayorka, wax qabadkiisa aan cadceedu qarin karinna qunjarafeynaya. Ilaahay isaga ayaa dadkiisa qaarna ku abuuray karti ay wax ku qabtaan qaarna ka dhigay wax ma tarayaal hadal aan macno lahayn shubaya qofkii wax qabtana xanuun ka qaadaya.


 

 

"Goonbaartu waxay caasidaa midaanay gaadheyne,

 

ma gudboona gaarida sare iyo gidirta naaxdaaye. ..

 

 

Gobonimo dhamaanteed haddi la isu wada geeyo

 

ma gudboona geesiga hanta iyo gocorka caayaaye” Salaan Carrabay


 

 

Waa in Maayorka lagu garab galaa dadaalka uu wado looguna duceeyaa. Horumarku dadka oo dhan ayuu faaiido u yahay dalkana sumcad wanaagsan ayuu u soo jiidayaa halaga daayo xasadka iyo hinaasaha aan wax laga faiidaa jirin.

 

 

Fahmy Abdillahi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...