Xisbiga UCID Oo Kulmiye & Waddani Ku Eedeeyay Xil Kaqaadista Maayarka Burco.
"taasina saaka ayay ku guulaysteen oo ay ka qaadeen xilkii"
Hargaysa (HWN) Xoghayaha
Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdilaahi ayaa sheegay in
Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ay awoodoodii iskugu geeyeen sidii xilka ay uga
qaadi lahaayeen Maayarka Burco.
"Xisbiga Waddani iyo
Xukuumda Kulmiye waxay saddexdii Bilood ee ugu dambeeyay awoodooda iskugu
geeyeen sidii ay maayarka Burco oo xisbiga Ucid ka soo baxay ay xilka uga qaadi
lahaayeen, taasina saaka ayay ku guulaysteen oo ay ka qaadeen xilkiiā€¯ ayuu
yidhi Yuusuf Kayse.
Maxamed Xirsi Axmed
(Maxamed Case) ayaa loo doortay Mayirka degmada Burco sidoo kale mayir ku-xigeenka
ayaa loo doortay Suldaan Nuux Jaamac waxaana sidaasi xilkii laga qaaday
masuuliyiintii hore ee degmada BURCO.
Loading...
Loading...