Boqor Buurmadaw Oo Ka Hadlay Dagaalka SOOL.
Hargaysa (HWN) Boqor
Cismaan Aw-maxamuud Buurmadow, ayaa ku celiyay in beeshiisu diyaar u tahay
nabad waarta oo ka dhacda gobollada bari, gaar ahaana Sool iyo Buuhoodle.
"Waxaan
uubateeyaba Tolkay ooda soo jebi"waxaan u hambalyaynayaa tolkay oo nala
qaatay mabdi'ii aan mudadda labada sanno ku dhaw ku dhawaaqaayayā€¯ ayuu yidhi
Buurmadow.
Dhinaca kale waxa uu
soo dhaweeyay hadalkii nabadda ee Suldaan Maxamuud Guuleed Mire todobaadkan
jeediyay ee uu ku sheegay in Beesha Dhulbahante uu nabad ugu baaqayo.
Suldaan Guuleed Mire
ayaana intaasi ku daray in shirkii Habarjeclo ee dhawaan ku soo idlaaday Burco
uu ahaa shir lagu qaatay Nabad.
Boqor Buurmadaw ayaa
marar kala duwan ku baaqay Nabad inkasto oo Beesha Habarjeclo isku
khilaafsantahay Nabad iyo Colaad midka ay ka qaadanayaan Colaada Galbeedka
Gobolka Sool.