Dhantaalane Distoor Kala Dhanbalano,Dhaaxa Laga Qayshay,Dhan Ka Rarane Aan Loo Dhamayn,Dhinacna Loo Eeggo.
Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bhda H/W Iyo Akhristayaasha.
Dhagaxdixeed Dhadhabo Kale,Dhego Adaygiinu,
Dhegaysanaynin Dhagaraha,Dhiilada Iyo Guuxa,
Dhacano Dhulkeeni Dhanbu,Cunay Dhurwaagiye,
Dhukaney Abaar Ma’ogidaad,Uunka Dheertahaye,
Dhimashiyo Shilba Dhacay,Dhawan Dhego La’anta,
Dhugo Dhaqanki Soo Jiray,Aduun Dhalan Rogiisii,
Dhayal Haw Malaynine,Dhakhso Dhab Uguso Jeeso,
Dhursugii Dhamaa Dhaaftay Samir,Dheeri Taladeeni,
Dhaxaan Dhabar Adagne,Dhaabada Dhidibadeedi Leh,
Dhabadii La Soo Maray,Dadaal Dhididki Aan Saydhay,
Dhibkaan Mudanay,Dhuuxi Shubma Dhaawca Igu Reeb,
Dhugashada Dareenkiyo,Farahun Dhaayahaw Furaye,
Dhawaqaba Dhegoolon Maqalayn,Garay Dhigalkayga,
Dhaqdhaqaaqa Raacyo,Wuxuunba Ka Dhaadhacaya,
Dherega Seexdayeen,Dhaadin Bay Dhibi Ka Joogtaye,
Dhawaaqa Iyo Qaylada Ogayn,Dheefna Sugahaynin,
Dhagidu Hurdada Dheer Galo,Wixi Dhacaya Yeelkod,
Dhamays Ruux La Modon Haddana,Dhuub Dun Gelinayn,
Dhex Fadhiya Xafiis Dhiibsanon,Dhuuxin Waanadana,
Dhulkan Dhiiga Loo Soo Shube,Dhaawacii Wadhanyay,
Dhacadiidkan Weli Loo Hurda,Yaa Dhegxumo Weyn Leh,
Dhibaatadan Dadkeenani Qabaan,Diide Dhaayuhuye,
Dhaawaciyo Bukaan Socodki Baan,Dhooli Heline,
Dhakhtar Intaad Sugaysay Goan,Dhiig La’an Badiye,
Dhimasho Baajinmayno,Nafluhu Wuu Dhadhamintaa,
Dhalaankiyo Umulahaan Lahayn,Dhaymo Gaaru Ahe,
Dhamaayo Miyigu Kuma Jiraan,Nolol Dhaqaalaytan,
Dhibta Caafimaadkeenan Guud,Dhaafayoo Dhigayba,
Dhawrkii Magaalay Haddeer,Dhabano Hays Taagan,
Dhuuniga La Quutiyo Biyihu,Waa Dhif Iyo Naadir,
Dhawr Sarah Dhaadheer Leho,Dhiiga Naga Miirtay,
Dhiibayn Cashuurti,Dhulkon Dhaalena U Quudhin,
Dhalinyarada Suuqyada Tubane,Tagan Dhexantaasi,
Dhaqankan Dawladnimaden,Dhamaynba Dhawac Reeb,
Dhantalane Distoor Kala Dhnbalan,Dhaxa Laga Qayli,
Dhan Ka Rarane Aan Loo Dhamayn,Dhinacna Loo Eego,
Dhibuu Yeelay Qarankane Furo,Dhuuxa Nuxurkiisa.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!