'' Hogaamiyuhu Dadka Wuu Ka Horeeyaa ''. Ahmed Nour Guruje

0
Friday July 05, 2019 - 17:02:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Hogaamiyuhu Dadka Wuu Ka Horeeyaa ''. Ahmed Nour Guruje

    Tan iyo intii Madaxwaynuhu safarka ugu baxay Waddanka Ginni waxaan barbar taagnaa safarkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo intii Madaxwaynuhu safarka ugu baxay Waddanka Ginni waxaan barbar taagnaa safarkaas
midhka dhalka noqday , waxaanan hiil iyo taageero u muujiyey safarkaas .

Dad badan oo aan arrimuhu u kala soocnayn amaba iskaga jiraan ayaana jirey oo igu xifaalaynayay arrintaas , iyagoo ku igula doodayay dhinaca muxaafidka ayaad u liicday , waxaanse ugu jawaabayay axsaabtaas in aanan dhinacna u ciirine aan taaganahay maalinba halkii dantu ku jirto ..



Hadaba maanta , waxaa booskii aan tagnaa isa soo taagay Xisbigii Waddani oo odihiisii wata , Xoghayaha Arrimaha dabada ee Xisbigaas Marwo Faadumo Siciid ,oo saxaafadda la hadashay na waxay sheegtay in Xisbiggu xukuumadda ku barbar taagan yahay safarkaas , Qarankuna ka midaysan yahay Difaaca Wadanka .


Sidaa darteed, macnuhu waxa weeye , hogaamiyuhu maaha ka suga dadku intay dhinac u dhaqaaqayaan ee markay dhaqaaqaan daba-gala , maaha ka ka baqda halista ka horaysa , mana aha ka is yidhaahda maxaa laggu odhan doonaa , hassa yeeshee waaka isaggu dadka u sahamiya , ee marka ay adkaato horgala , maxaa yeelay hogaamiyuhu dadka wuu ka horeeyaa , ana dee aan shaabadda isugu dhuftee , hogaamiye ayaan ahay
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...