Muxuu Yahay Xanuunka Halista Ah Ee Xoolaha Soomaalida Looga Baqayo Inuu Kusoo Laabto?
Hay’adda Caafimaadka
Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in shan waddan oo ku yaalla bariga iyo koonfurta
Afrika uu ka dillaacay cudurka bakteeriyada ay keento ee kudka ay Soomaalidu u
taqaanno.
Waxay sheegtay in in ka
badan 1,100 kiis oo looga shakisan yahay cudurkan laga xaqiijiyey waddamadaan.
Sidoo kale 20 kiis oo
dhimasho ah oo cudurkaan lala xiriirinayo ayaa laga diiwaan geliyey dalalka
Kenya, Malawi, Uganda, Zambia iyo Zimbabwe.
Dalka Zambia ayaa ah
waddanka ugu badan ee cudurku uu ka dillaacay, iyada oo sagaal ka mid ah 10-ka
gobol ee uu ka kooban yahay dalkaasi laga diwaan galiyay cudurka.
Laga soo bilaabo 20kii
Nofembar, Zambia waxay soo sheegtay in 684 kiis oo laga shakisan yahay, cudurka
dalka laga diwaan galiyay, sida laga soo xigtay Ha’yadda Caafimaadka Adduunka.
Muxuu yahay cudurka
kudka?
Cudurka ay Soomaalidu u
taqaan kudka waa mid ka mid ah cudurrada ugu khatarta iyo saamaynta badan ee
galaafta nolosha dadka iyo xoolahaba.
Dr. Axmed Cabdullaahi
Shukri oo khabiir xannaanada xoolaha ah oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in
xanuunka uu yahay mid halis ah oo aad ugu dhici jiray xoolaha balse 35-tii sano
ee lasooo dhaafay aan lagu arkin guud ahan deegaannada Soomaalidu ay dagto.
"Xanuunka waa mid halis
oo ku dhaca xoolaha oo dhan laakiin geela ayuu u badan yahay, 24 saac ama 48
saac ayuu ku dili karaa neefka,” ayuu yiri Dr. Axmed Cabdullaahi.
Waxaa uu sheegay in
xanuunka uusan ahayn mid si sahlan loo garan karo taas oo keenta badanaa in
isaga oo la aqoonsan uu dilo xoolaha.
"Waayihii hore xanuunka
aad ayaa looga taxadari jiray laakiin hadda in muddo ah lama arkin waxaan
dhacad ayada oo aan la garan in uu neefka dilo”.
Walaaca hay’adda
caafimaadka adduunka ee WHO ayuu sheegay in uu yahay mid sax ah, maaddaama
cudurka kudka uu yahay mid si dhaqso ah u faafa ayna suurtagal tahay in
Soomaaliya uu soo gaaro taas oo khatar weyn haddii aan lagu xaddidin dalalka
hadda lagu arkay.
"Cudurkaan sida
dabayasha oo kale ayuu u socdaa, dadka Soomaliyeedna waa kuwa reer guuraa ah oo
haddba meel daga marka halistu waa jirtaa waana cabsi soo korortay”.
Dr. Axmed Cabdullaahi
Shukri waxaa uu sheegay in xanuunka dhawaan ka dillaacay qaar ka mid ah
deegaannada Soomaalidu ay dagto oo ay ka mid yihiin Dowlad Deeganka Soomaalida,
Galmudug iyo Hiiraan isla markaana dilay xoolo fara baban uusan ahayn kan,
marka la fiiriyo calamadaha lagu arkay.
"Cudur aan wali la
baarin oo Baladweyne, Dowladda Deegaanka iyo Galmudug xoolo badan ku dilay kaas
asaga ma ahan sida ay muujinayaan calaamadahu, laakiin markii hore waa loo
maleeyay”.
Dadka ma ku dhici karaa
cudurka Kudka?
Cudurkan ayaa asalkiisa
ka yimid magaca anthrakis, oo ah eray Giriig ah oo dhuxusha loo yaqaanno,
sababtoo ah wuxuu sababi karaa maqaarka oo madoobaada.
Cudurkaan ayuu Dr Axmed
tilmaamay in si la mid ah sida xoolaha uu ugu dhaco dadkana ugu dhico karo oo
la kala qaado.
Marka ay dadku toos ula
macaamilaan xoolaha xanuunsan amaba ay cunaan hilibkooda ama cabaan caanahooda.
"Waxaa cudurkaan
uu ka mid yahay cudurro badan oo dadka iyo xoolaha ay kala qaadaan marka sida
uu xoolaha dhaqso u dilo ayuu dadkana u dila karaa" ayuu yir Dr Axmed.
Waxaa sababa
bakteeriyada Bacillus anthracis, wuxuu sanado ku qarsoomi karaa ciidda kahor
inta uusan ku dhicin xoolaha isagoo galaya dhaawaca amaba meel ka jeexan jirka
xoolaha.
Sidee Cudurkan loo kala
qaaadi karaa?
Taabashada tooska ah ee
bukaanka cudurka qaba oo la taabto, ayaa ka mid ah sida loo kala qaado.
Hawo qaadashada oo ay
kuu soo raacdo bakteeriyada ka dibna aad ka liqdo sanka ama afka hawo
wasakhaysan.
Quudashada hilibka
bukaan cudurkani hayo
Taabashada carrada
wasakhaysan ee hore bakhti ama hadhaa xoolo uu cudurkani dilay loogu aasay ama
loo dhigay.
Dadka ugu badan ee
cudurkani qaadi karaa waa dhakhaatiirta ama kaaliyayaasha caafimaadka xoolaha
iyo shaqaalaha hiliblayda ah sida uu sheegay Dr Axmed Cabdullahi .
Dr Axmed Cabdullaahi
waxaa uu sheegay in cudurkaan la daaweeyn karo balse ay mararka qaar dhacdo
ayada oo aan la ogaan uu dilo xoolaha.
Waa maxay saddexda
calaamadood ee kudka?
Kudka wuxuu dadka ama
xoolaha ugu dhacaa saddex qaab, sida ay sheegtay WHO:
Kudka maqaarka: caabuqa
ayaa gala halka dhaawaca ka ah xoolaha - waa nooca ugu badan uguna halista yar.
Wuxuu ku billowdaa nabro jirka kaoso baxa, xanuun la'aan ah oo bar madow
yeesha. Dadka qaar ayaa kadib waxay la kulmaan madax xanuun, murqo xanuun, qandho
iyo mantag
Kudka caloosha: Noocan
ayaa sababa calaamado hore oo la mid ah sumowga cuntada, balse wuxuu keeni
karaa xanuun ba'an oo caloosha ah, mantag dhiig ah amaba shuban daran
Kudka limooniyada: Kani
waa nooca ugu khatarsan wuxuuna marka hore u ekyahay sida hargabka, balse wuxuu
keeni karaa dhibaatooyin ba'an oo neefsashada ah


0 





