War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Baaqday Safar Uu Ku Tagi Lahaa Rwanda Iyo Kenya Oo Sababta Leh
Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka baaqday safar uu ku tagi lahaa wadanka Rwanda.

Sababta ugu weyn ee madaxweyne Farmaajo kaga baaqday safarka uu ku tagi lahaa wadanka Rwanda ayaa lagu sheegay go’aan ay qaadatay dawlada Kenya taas oo diiday inay hawadeeda marto diyaarad sida madaxweynaha soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo noqday garoonka Muqdisho ee Aadan Cade ka dib markii lagu wargeliyey diyaaradii u kiraysnayd inaanay dulmari Karin hawada dalka Kenya taas badalkeedana ay suura gali kari wayday in diyaaradu ay marto hawada wadamo kale ka dib markii ay ciladi la soo daristay.
Waaxda duulimaadyada ee soomaaliya ayaa madaxtooyada ku wargelisay in Kenya ay diiday in hawadeeda ay marto diyaarad sida madaxweynaha soomaaliya taas oo horseeday in madaxweynaha farmaajo uu ka baaqdo safarkii u qorshaysnaa ee wadanka Rwanda, halkaa soo uu kaga qayb gali lahaa munaasibad lagu xusayo xasuuuqii wadankaasi ka dhacay.
Dawlada soomaaliya wali kamay hadlin baaqashada ku timid madaxweyne Farmaajo iyo go’aanka ay qaadatay dawlada Kenya, iyada oo ay soo shaac baxeen qoraalo cudurdaaro ah oo ay iswaydaarsadeen madaxweyneyaasha soomaaliya iyo Rwanda.


0 





