Maanta Ayey Taladu Dhowdahay Hadda !

0
Monday December 11, 2023 - 10:23:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanta Ayey Taladu Dhowdahay Hadda !

    Alle ayaa wax ka wadday illeyn e taladii dalka loo dhiib,..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ayaa wax ka wadday illeyn e taladii dalka loo dhiib,..


Dadka jamhuuriyada Somaliland waxa ay u ahayd 13 Nov 2017 maalin aan la mahadinin oo uu dalkii gacanta u galay dad aad moodo in aanay lexo-jecloba ka laheyn dalkani tacabka,dhiiga iyo tamarta badani gashay ee lagala soo baxay marxaladaha adag iyo afka libaax.



Hadda garo oo cida aan sheegayaa waa kuwii laabta ku garaacan jirey in ay iyagu cidwaliba uga lexojeclo badan yihiin oo hore ugula dagaalamay afartii madaxweyne ee ka horeeyey madaxweynaha talada haya, dalka sidan ka daa iyaga oo midwaliba cunaha kaga marnaa.


Alle ayaa wax ka wadday illeyn e taladii dalka loo dhiib, dalkii jamhuuriyada Somaliland maalinba maalinta ka dambaysa hoos buu u sii socdaa , dalka goboladii bariga dagaal baa ka oogan oo dab baa la sudhay , dhinacii galbeed xabada ayuun baan qoriga ka bixin oo qabaail baa la isku haystaa oo la isku horfadhiyaa , waxaa kale oo jirta tabasho maamulka dawladnimo laga qabo oo dadkaasi kor iyo hoos ba ugu dhawaaqayaan oo aan cidi dhag jalaq u siinin.


Waxa aan is idhaahdaa malaha kooxdani waxa ay qandaraas ku soo qaateen in khariidada gobolka Geeska Africa laga waayo jamhuuriyada Somaliland marka aad eegto talo xumada , tamar darada iyo tayo la'aanta xukuumadeed ee ina heshay , iyo habkan wax u socdaan hadda.


Waxa aan filayaa in aan wax la eegto oo dambe hadhin ee waa in maanta la isku kaashado;
1- in aan umada nabad kuwada noolaanshihii, wadajirkii iyo wax wadalahaansheheegii aanu lumin .
2- waa in laga feejignaado dadka loo qaybiyey beelaha ee warbaahinta iyo baraha bulshada hadh iyo habeen isu tuman oo madaxa la isku galiyey badhna qoryaha isku sitaan hadda sidii wax looga qaban lahaa.


Ugu dambayn waxa aan fariin u dirayaa kooxda hogaaminta qaranka ku magacaaban ee uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo aan leeyahay maanta waxa ayaan daro ah in idinka oo 80 jiro ah taariikh madaw idiin qoranto oo buugta idiin gasho , waxa kaliya ee dalka iyo idinkaba bad-baado idiin ahi waa in aad doorasho degdeg ah qabataan.


Muwaadin; Mohamed Abdi Jama Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...