Ciyaaryahanka Frank Lampard Oo Noqday Tababaraha Kooxda Chelsea Iyo Rajo Xun Oo Laga Muujiyey

0
Friday July 05, 2019 - 16:10:48 in News by
  • Visits: 1788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahanka Frank Lampard Oo Noqday Tababaraha Kooxda Chelsea Iyo Rajo Xun Oo Laga Muujiyey

    Ciyaaryahanka Frank Lampard Oo Noqday Tababaraha Kooxda Chelsea Iyo Rajo Xun Oo Laga Muujiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka Frank Lampard Oo Noqday Tababaraha Kooxda Chelsea Iyo Rajo Xun Oo Laga Muujiyey

Maamulka kooxda Chelsea ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in Frank Lampard uu yahay macalinka cusub ee kooxdooda kadib markii uu Maurzio Sarri ka baxay Stamford Bridge.

Frank Lampard ayaa farxad ka muujiyay in uu ku soo laabtay kooxdii uu halayayga ku soo noqday ee Chelsea waxaana farxadan la qabay taageerayaasha Blues oo maalmihii ugu danbeeyay sugi kari la’aa in ay arkaan Lampard oo loo magacaabay shaqada kooxdooda.

Image result for frank lampard

Laakiin Frank Lampard ayaa hadda loo saadaaliyay in uu noqon karo macalinka ugu horeeya ee shaqada tababaranimo ee kooxaha Premier league laga caydhin doono xili ciyaareedka cusub.

Inta aan la bilaabin xili ciyaareedka cusub shirkadaha saamaynta badan kubbada cagta iyo sportks ku leh ee bixiya sharadka khamaarka lagu galo ayaa sii saadaaliya tababarayaasha shaqada Premier League loogu hor caydhin doono kuwaas oo uu hadda Frank Lampard qayb ka yahay.

Shirkada Paddy Power ayaa Frank Lampard ku dartay liiska tababarayaasha shaqada laga caydhin karo ka hor inta aan la gaadhin December 25,2019 waxaana sidoo kale liiskan ku jira tababarayaal badan oo uu ka mid yahay Ole Gunnar Solskjaer.

Loading...
Loading...