Hadalhaynta Heesta 'Togdheer' Waxa Qorey :- Maxamed Saleebaan Cumar
"waxa aan marag ka ahay in Hadraawi oo heesta halabuuray oggolaansho u siiyay. "
Sannadkii 2011kii, waxa soo baxday heesta la baxday "Waddaniga dhabta ah Allow dhawr" oo uu qaaday fannaanka Nuur Daalacay. Heestaas oo aad u faaftay waxay tiirdhexaad u noqotay xusaskii 18ka May ee sannadkaas. Bilo kadib curashadii heestaas ayuu Nuur Daalacay dalka ku soo laabtay, si weyn ayaana loo soo dhaweeyay. Meelaha sida weyn loogu soo dhaweeyay waxa ka mid ahayd magaalada Burco oo dadweyne tiro badani Khayriyada isugu soo baxay.
Soodhaweynta Burco ayaa dareenka Nuur aad u taabatay. Dabadeedna, isaga oo arrinkaas la dhacsan ayuu habeen ka mid ah dabayaaqadii sannadkaas (2011) fannaanku noogu yimid aniga iyo Hadraawi oo joogna hudheelka Safaari ee Hargeysa.
Nuur Daalacay waxa uu Hadraawi weyddiistay in uu u sameeyo hees "Burco" ammaan u ah, bal se waxa uu Hadraawi u sheegay in uu hore u halabuuray hees ka hadlaysa qiimaha Burco iyo gobolka Togdheer, isaga oo fasax u siiyay in uu qaadi karo. Sidaas ayuu Nuur ku qaaday heesta Togdheer, isaga oo laxan hor lehna u sameeyay.
Heesta Togdheer waxa ay markii ugu horraysay soo baxday 1972kii. Sannadkii xigay (1973) waxa ay ka mid noqotay heesihii riwaayaddii Tawaawac oo uu Kacaanku u xayiray dareenno Kacaandiidnimo, bal se uu fannaankii Muuse Ismaaciil Qalinle dibadda ku duubay.
Ilaa xalay waxa socotay dood iyo hadalhayn ku saabsan heesta Togdheer. Haddaba, haddii ay dooddu tahay, "muxuu Nuur Daalacay u qaaday heesta Togdheer?", waxa aan marag ka ahay in Hadraawi oo heesta halabuuray oggolaansho u siiyay. Haddii se dooddu tahay, "muxuu laxanka u beddalay?", Nuur waxa uu sheegay in aanu jiritaanka heesta hore ka warqabin. Waxa se jirta dood odhanaysa in laxanka Nuur heesta cusboonaysiiyay, kana dhigay hees la jaanqaadaysa casriga iyo jiilka cusub.
Si kastaba ha ahaatee, doodaha faneed ee la xidhiidha ilaalinta lahaanshaha halabuurka, xuquuqaha curinta iyo kala horrayntu, waa kuwo qiime leh, in se doodahaas laftooda ujeeddooyin kale loo adeegsadaa ma qummana.
10.12.2023 Waxa Qorey :- Maxamed Saleebaan Cumar.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!