Habarjeclo, waa guutada al-qudus ee Somaliland
Beesha Habarjeclo, waxay khatar ku tahay amniga iyo jiritaanka Somaliland. Waxayna Muuse Biixi ugu jirtaa kaalinta guutada al-qudus ugu jirto Khumeyniga Iran.
Habarjeclo, waxay hore taariikhda ku gashay in loo adeegsaday xasuuqii Suufaloolku ku sameeyey beesha Garxajis ee keenay in Garxajis ka baxo Hagbada Jeegaanta. Habarjeclo, waxay qeyb libaax ka qaadatey xasuuqii Dhulbahante 8 dii bilood ee Laascaanood,taasoo keentay in Dhulbahante gaar isu taago.
Maantana, waxay u dhul jiifeyneysaa oo dil iyo dhac ku wadaa Warsangeli, si ay iyana uga qaxaan Sanaag bari.
Guutada al-gudus (Ilaalada Kacaanka) Iran, waxay si toos ah u hoos tagtaa Aayatullaha Iran, ma hoos timaado dowlada Iran, Kama amar qaataan wasaarada Gaashaandhiga, ma qabto Sharciga baarlamaanka Iran soo saaro, miisaaniyadeedu ma marto barlamaanka Iran.Habarjeclona waa sidoo kale, waxay toos u hoos tagtaa Muuse Biixi, Sharciga dalkuna ma khuseeyo.
Habarjeclo, waxay xor u tahay iyadoo adeegsanaysa awooda Rijiimka Muuse Biixi, inay beelaha kale ee Somaliland ku duusho, u hanjabto, baqo maasho, baad ka qaado, dhacdo hantidooda, isla markaasna aan lagula xisaabtamin.
Guutada al-qudus (Habarjeclo), waxay u xilsaarantey inay burburiso awood kasta oo ka hortimaada boqortooyada Somaliland. Waxay kaloo qaabilsantey inay korka kala socoto dhaqdhaqaaq kasta ee beelaha iyo siyaasiyiinta Somaliland sameeynayaan.
Shirkii Habarjeclo ee ka qabsoomey magaalada Burco 25.11.2023, waxay kaga dhawaaday inay ay abuurayaan ciidan Habarjeco ee xuduudaha dalka difaaca ilaa Yoocada. Waxay kaga dhawaaqeen Guddi dagaal oo Habarjeclo, waxay sheegeen in beeshii Isaaq ah ee aan dagaalka soo gelin loo aqoonsan doono Isaaq diid iyo dad aan Isaaq ahayn, iyagoo hanjabaad dadbana u direy beesha Garxajis.
Shirkaas, haba yaraatee lagagama hadal wax dan u ah beesha shirka loo qabtey, keliya waxaa lagaga hadlayey sidii Muuse Bixii iyo taliskiisa xukunka loogu heyn lahaa.
Habarjeclo, ma xisaabtanto, ma tira koobto khasaaraha naf iyo maalba ka soo gaadhay difaaca Madaxeynayaasha Habar Awal 20 kii sanadood ee la soo dhaafay.
Marka Habarjeclo go'aanada noocaas ah ka soo saareyso Caasimadii 2 aad ee Somaliland,marka Faysal Cali Waraabe oo aaminsan inaanu heleyn 4% tii uu helay doorashadii hore haddii doorasho la galo uu leeyahay inaga Isaaq ah gaar inoo soo saara aan dalka difaacnee oo shir inoogu qabta Balligubadle, ma la odhan karaa, Somaliland waa dal xor ah oo mudan in la ictiraafo? Ma lagu sheegi karaa dal dadka ka dhexeeya ? Awdal iyo Salal, maxay sameyn doonaan marka Isaaq Balligubadle u dareero? Muuse Biixi, ma lagu sheegi karaa Madaxweyne dal?
Jawaabtu, waa Maya. Muuse Biixi waa Dikteyter dhiiga dadka ka macaasha, Habarjeclana waa guutada al-qudus oo isaga difaacda, Maxamed Kaahina, waa Qaasim Suleymaani oo guutada u xukuma Muuse.
Muuse Biixi markuu burburiyey ciidankii qaranka, wuxuu Habarjeco u xil saarey inay gasho kaalintii Ilaalada Kacaanka oo difaacdo xukunkiisa. Wuxuu kaloo qorsheeyey inuu dalka ka rido dagaalo sokeeye, si doorasho iyo ka hadalkeed meesha uga baxdo.
Waxaa jirta maahmaah Somaliyeed oo tidhaahda ”Xasuuqaa ugu dembeyn, waa la xasuuqaa”. Wakhtiguna, mar walba kuma saacido, qof kastana wuxuu geysto dhitadeeda wuu maali doonaa. Taas ha ogaato Habarjeclo.
Reer Somaliland, haddii uu jiro qof aaminsan in Muuse Biixi doorasho qabanayo, ha dhegeysto war saxaafadeedkii Maayarka magaalada Gabiley ee ahaa ” Qofka maanta doorasho ka hadlayaa, waa qof aan waxba ogeyn, waana Somaliland diid". Maayarku, wuxuu ka tarjumayaa, mowqifyada Muuse Biixi, guutada al-qudus (Habarjeclo), iyo Col. Qaasim Suleymaani (Maxamed Kaahin).
Sidaas darteed, waxa la gudboon Madaxda Xusbiga Wadani oy hor kacayaan Gudoomiyaha Xusbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Musharaxa Dr. C/Raxmaan Maxamed C/laahi, inay bedbaadiyaan Dalka oy hor kacaan kacdoon Shacab, gees ka gees- beri ilaa galbeed, si dalka looga badbaadiyo Boqorka is caleemo saarey iyo Ilaaladiisa Kacaanka ee daaqada ka tuurey Dastuurkii,dimoqraadiyadii iyo wax wada lahaanshihii Somaliland. Haddii kale, Somaliland waxay wajahi doontaa, burbur iyo dagaalo sokeeye oon ka soo kabasho laheyn.
Qore. Naaleeye.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!