Maxaa Keenay Sare U Kaca Qiimaha Saliid-Saytuunka?
Spain waa waddanka ugu
badan ee soo saara saliid saytuunka, waxaana uu oo soo saaraa boqolkiiba 70
saliid saytuunka laga isticmaalo Yurub.
Sidoo kale Spain waxaa
ay soo saartaa 45 % saliid saytuunka oo adduunka laga isticmaalo.
Roob la’aanta ka jirta
gobolada kala duwan ee dalka Spain ee laga beero saliid saytuunka ayaa si weyn
uga qayb qaatay hoos u dhaca ku yimid wax soo saarka saliid ee guud ahaan
dalka, taasoo keentay in qiimiheedu uu sare u kaco.
Qiimaha saliidda
saytuunka ayaa kor u kacday boqolkiiba 70 sanadkan oo keliya guud ahaan
dalkaasi, waxaana sidoo kale uu sare u kacay sanadkii hore 2022.
Halkii dhalo oo saliid
saytuun ah ayaa hadda lagu iibiyaa ku dhawaad $9.88 dukaamada waaweyn.
"Runtii labadii
sano ee lasoo dhaafay ma ahyen kuwa noo wanaagsan, abaaro isdaba joog ah ayaa
jiray wax soo saarkuna waxaa uu ahaa mid aad u hooseeyay,” ayuu yir Francisco
José ka tirsan beerlayda saytuunka ee dalka Spain .
Beerta Francisco José
ayaa ku taalla gobolka koonfureed ee dalka Spain ayaa ah meelaha ugu wax soo
saarka badan saldiin saytuunka.
"Haddii wax soo
saarka gudah dalka Spain uu hoos u dhaco waa in sidoo kale dalabka iyo dhoofka
dalalka kale uu hoos u dhacaa qiimuhuna kor u kacaa, taas waa qaanuunka
suuqa," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Nuestra Señora del
Pilar, oo ah shirkadda ugu weyn adduunka oo dhan ee ka shaqeysa farsameynta
saliid saytuunka ayaa sidoo kale uu hoos u dhacay dhaqaalaheeda.
Sanadkaan shirkaddu
waxaa ay soo saartay 24 milyan oo kiilo oo saliid ah, waana tiradii ugu yarayd
abid ee shirkaddu ay soo saarto taariikhda.
Madaxa shirkadda
Cristobal Gallego Martínez, ayaa sheegay in sare u kac ku yimid qiimaha
shidaalka iyo daawada bacriminta uu sababay hoos u dhac ku yimid wax soo saarka
saliid saytuunka ee guud ahaan aduunka oo dhan.
"Waxaan wajahaynaa
dhibaatooyin ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada, abaaro soo laa laabtay
waxaana dhacda mararka qaar in aan wayno biyo aan beeraha ku waraabin” ayuu yir
Cristobal Gallego Martínez.
Waxaa uu sheegay in
dhibaatada abaaraha iyo fatahaadaha ay noqdeen kuwo halis ku ah beeraleyda
dalka, isaga oo xusay in ay muhiim tahay in dowladdu ay qaaddo tallaabooyin
lagu xallinayo arrinta.
Sare u kaca ku yimid
qiimaha saliid saytuunka ee Spain ayaa saameeyay Yurub inteeda kale.
Laakiin waddamada qaar
qiimuhu wax badan ma kordhin sidii xilligii hore uu ahaan jiray, waxaana
dalalka qaar ay bilaabeen in ay kasoo iibsadaan dalal kale oo ay k mid yihiin
dalka Portugal halkaas oo qiimuhu uu ka jaban yahay.
Qiimaha saliidda
saytuunka ee Ingiriiska iyo Ireland ma ahan mid u sarreeya sida Spain oo kale,
in kasta oo ay kasoo dhoofsadaan Spain, waxaana dalalka ay u kaydsadeen
saliidda in uu sare u kac ku imaan qiimaha lagu kala iibsado.
Lixdan iyo shan
boqolkiiba saliidda saytuunka ee Spain ay soo saarto ayaa lagu iibiyaa dibadda,
inkastoo sanadkan ay tiradu aad hoos ugu dhacday.
Faa’iidooyinka
caafimaad ee laga helo saliid saytuunka
Saliid seytuunka waa
cuntada ugu wanaagsan ee laga isticmaalo waddamada ku teedsan badda
Medhitiraaniyanka, sidoo kale meelaha aadka looga isticmaalo waxaa ka mid ah
Soomaaliya.
Daraasado fara badan oo
la sameeyey waxay tibaaxayaan saliid seytuunka asalka ah iney faa’iidooyin
caafimaadka leedahay.
Waxaana
faa’iidooyinkaasi ka mid ah inay dajiso dhiig karka iyo iney nidaamiso dufanka
jirka ku jira.
Cimibaarisyo Sayniska
oo la sameeyey waxay sheegayaan saliid saytuunka iney tahay halka keli ah ee
laga helo dufanka aan fariisan, kaasoo yareeyo dhiig furanka iyo cudurrada
wadnaha ku dhaca.
"Saliid saytuunku
waa waxa ugu wanaagsan ee ay dadku cuni karaan si difaac jirkiisa uu ahaado mid
adag,waxaana lagu daaweyn karaa cudurrada wadnaha," waxaan sidaas sheegay
Fernando López-Segura oo ka tirsan Isbitaalka Reina Sofia ee dalka Spain.