Guinea Ka Hor Dalalka Kale Ee Maqaamka Sare Kusoo Dhoweeyay Somaliland
kadib markii halkaas si heersare ah loogu soo dhoweeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Hase yeeshee dalkani ma ahan kii ugu horeeyay ee hab maamuuska sare loogu soo dhoweeyo madaxda Somaliland, una fidiya roogga cas.
Sida uu sheegayo wasiirka arrimaha dibeda jamhuuriyadda iskeed ugu dhowaaqday Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) waxaa jira dalal badan oo ay madaxda Somaliland tageen.
"Soomaaliya ayaad mooddaa in maanta ay ku hambobartay, dalalka madaxweynayaasha Somaliland tageen ee lagu soo dhoweeyay, haddii aan tusaale idiinku soo qaato waxaa ka mid ah Itoobiya, Jabuuti, Senegal, Koonfur Afrika, Kenya, Uganda. Tanzania, Malawi, intaas waa Afrika, caalamka kale waxay tageen UK, Faransiiska iyo kuwa kale " ayuu yiri wasiirka oo sheegay in ay la yaabanyihiin sababta ay hadda dowladda federaalka la yaab ugu noqotay in madaxda Somaliland ay dal kale booqdaan.
BBC-da ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad weeydiisay sababta dowladda talaabo tan Gini oo kale uga qaadi weysay dalalka kale ee sidaas oo kale sameeyay sida Kenya oo kale, wuxuuna ku jawaabay.
"Kenya waa ay nooga duwantahay Gini, xiriiro badan baa naga dhaxeeyay, wax isdhaafsi badan baa naga dhaxeeyay, malaha Samir dheeraad ah ayaan u muujinay Kenya, xiriirkeena heerka uu ahaa iyo darisnimada naga dhaxaysa daraadeed".
Prof Cabduwahaab oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaa u sheegay BBC-da in arrinta Somaliland aysan booqasho kaliya ku ekeyn, ee xitaa ay jiraan xafiisyo dublamaasiyadeed oo ay ka furteen dalal dhawr ah, sida Kenya oo kale. "Wax cusub oo la buunbuuniyo iima muuqdaan aniga" ayuu intaas raaciyay.
Sida ay qabto Sucaad Carmiye oo ah haweenay u ololeysa aqoonsi raadinta Somaliland oo ku sugan Hargeysa ayaa BBC-da u sheegtay in ficilada dowladda federaalka ah ay yihiin kuwa anfacaya Somaliland. "Dagaaladan go'doominta ah ee xaq dhaqaale iyo xaq siyaasadeedba ah ee ay dowladda federaalka waddo anaga ayayba noo fiicantahay, sababtoo ah fadhiga ayaan ka kacaynaa, in badan ayaa la'is dhigtay".
BBC


0 





