Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin Oo Ka Hadlay Xaalada Guud ee Dalka
Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa war-saxaafadeed uu ka soo saaraay magaalada Hargeysa waxa uu kaga hadlay qoddobo dhawra oo ku saabsan xaalada guud ee nabadgalyada dalka iyo shaqaaqooyinka colaadeed ee ka taagan qaar kamid ah gobollada dalka.
War-saxaafadeedka Suldaanka oo dhawr qoddob ka koobnaa ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
War-saxaafadeed
1. Waxaan taageersanahay baaqi guddida Garxajis ay ku taageereen Shirki Talo-wadag ee beesha Habarjeclo nabadda kaga baaqday.
2. Waxaan tageersanahay qoddabadii ka soo baxay Shirkii Talo-waadag ee Habarjeclo Burco ku qabsatey, ee ay nabadda kaga baaqdey.
3. Waxaan ku talinaya in nabad lagu soo dabaalo beelaha oodwadagta ah ee colaaddu dhex-taallo; sida Cali Saahid, Ceel-afweyn, Burdhaykeen.
4. Waxaan canbaareynaya falaalka dhuljiifnimada ee ka dhacay waddada dheer ee Burco bari ka xigta iyo amni darada ka jirta.
5. Waxan soo jeedinayaa in aan colaad laga abuurin gobollada galbeedka Somaliland (Xariirad Iyo Saylac)
6. Waxaan soojeedinayaa in midnimada iyo wadajirka reer Somaliland la adkeeyo, cadowga kusoo duuleyna dhan looga soo wada jeesto. Ugu danbeyn waxa aan ku talinaya in Ciidanka Qaranka lagu taageero cuud iyo cudud ba, oo la joojiyo ciidan beeleedyada la abaabulaayo, (Ciidanka Madaniga ah).
Allaa Mahad Leh
Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin
Hargeysa/Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!