Ingiriiska Oo Soomaaliya Ugu Deeqay Malaayiin Doolar Oo Gargaar Ah.
Ingiriiska ayaa ku
dhawaaqay taageero bini'aadantinimo oo dheeri ah iyagoo uga jawaabaya
dhibaatooyinka ka dhashay roobabka El Nino ee Soomaaliya.
Safaaradda Britain ee
Muqdisho ayaa ku dhawaaqday £5.5 milyan oo gini oo lagu maalgalinayo gargaarka
wax ka qabashada El Niño ee Soomaaliya.
"Taageerada UK waxay ku
bixin doontaa caafimaad, nafaqo, biyo iyo fayadhowr muhim ah qaar ka mid ah
bulshooyinka ugu nugul Soomaaliya ee ay fatahaaduhu saameeyeen,” ayaa lagu yiri
warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya
UK ayaa sidoo kale
Soomaaliya ugu dhawaaqday £7.4 milyan oo ah ilaalinta caymiska abaaraha
Safaaradda Britain ee
Muqdisho ayaa ku dhawaaqday ku dhawaad 7 milyan oo doolar oo ka mid ah
maalgelin dheeraad ah oo lagu taageerayo wax ka qabashada bini'aadantinimo ee
socda