Tirada Dad Ku Dhintay Fulkaane Ka Qarxay Indonesia Oo Sare U Kacday
Tirada dadka ku dhintay
folkaanaha ee Indonesia ayaa gaartay 22 qof, kadib markii samatabbixiyeyaashu
ay heleen sagaal meyd oo kale.
Baadigoobka 10-ka qof
ee la la'yahay ee ku socdaalayay buurta Marapi ayaa dib u bilowday Talaadadii
ka dib markii la hakiyay walaac dhanka ammaanka ah.
Saraakiisha ayaa
sheegay in galabta la soo saaray sagaal meyd ah, iyadoo mid ka mid ah meydadka
la la’yahay. 12 kale oo dalxiisayaal ah oo dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa
isbitaalka.
Folkaanaha soo noqnoqda
ee Marapi ayaa caqabad ku noqday dadaallada samata bixinta maalmo.
Ahmad Rifandi, oo ah
madaxa kormeerka Marapi, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in shan qarax
la diiwaan galiyey Talaadadii oo keliya.
"Foolkaanaha
Marapi weli aad buu u firfircoon yahay. Ma arki karno dhererka tiirka sababtoo
ah waxaa qariyey dambaaburro," ayuu yidhi.
Samatabbixiyeyaasha
ayaa u sheegay BBC inay ka faa'iidaysanayeen daaqadaha xasilloonida si ay u
raadiyaan kuwa maqan, dadaallada lagu raadinayo dalxiisaha ugu dambeeya ee
maqanna ay dib u billaaban doonaan Arbacada.