Mowduucyadi Ugu Raadiska Badnaa Mareegta Wikipedia Ee 2023-ka
Malaayiin qof oo ku
nool dunida daafaheeda ayaa habeen iyo dharaar kasta gujiya oo wax ka baaro
barta xogaha lagu keydiyo ee Wikipedia, si ay u ogaadaan macluumaadka ay
markaasi daneynayaan. Haddaba, waxaa maanta lagu dhawaaqay mowduucyadi loogu
raadinta badnaa sannadkaan sii dhammaanaya ee 2023.
Kan booska koowaad soo
galay marka laga eego waxyaabaha ay dadka dunida ka raadiyaan mareegtan ayaa
ah, aaladda "ChatGPT” oo ah qeyb laga sameeyay Garaadka Macmalka ah ee AI, oo
adeegsadayaasha Wikipedia u sahleysa in ay helaan jawaabo cod ah ama wada
sheekeysi ah. Aaladdaan ayaa iyada oo ku hadleysa luqaddo badan oo dunida ah,
dadka uga jawaabta waxa ay soo wediyaan.
Maqaallada Wikipedia ee
ku saabsan ChatGPT ayaa keydiyay ama soo qabtay in ka badan 79 milyan oo bog oo
lagu daawaday luqado kala duwan, sidaasi waxaa sheegay hey’adda aanan macaash
doonka aheyn ee Wikimedia Foundation, taas oo maalgelisa Wikipedia.
Qof walba oo dunida ku
nool ayaa xog gelin kara mareegtan xajmiga weyn ee Wikipedia, hase yeeshee
waxaa si mutadawacnimo ah u turxaanbixiya, tifaf-tirayaal ku kala nool dunida
daafaheeda.
Sida ay muujisay
warbixin sannadkeeda Wikipedia, shanta waddan ee ugu adeegsiga badnaa xog
raadinta qeybta English-ka ee Wikipedia ayaa kala ah Mareykanka (33 bilyan oo
bog ayaa laga daawaday); Ingiriiska (9 bilyan oo bog oo daawasho ah); India
(8.48 bilyan oo bog); Canada (3.95 bilyan oo bog); iyo Australia (2.56 bilyan
oo bog).
Marka laga eego 25-ka
mowduuc ee ugu caansanaa ee ay dadka kasoo raadiyeen Wikipedia sannadkaan
2023-ka ayaa waxaa ka mid ah, dhowr filim oo Hindi ah, iyo filimka sannadkaan
caanka ka noqday Mareykanka ee "Barbie.”
Waxaa sidoo kale aad
loo raadiyay, mowduucyada ku saabsan maalqabeynka caanka ah Elon Musk iyo
Taylor Swift oo ka mid ah fannaaniinta ugu caansan Mareykanka.
Dhanka isboortiga,
waxaa safka hore soo galat ciyaaraha Kirkitka.