Nuxurka Khudbad Uu Xildhibaan Barkhad Ka Jeediyay Xarunta Qaramada Midoobay

0
Tuesday December 05, 2023 - 19:07:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Khudbad Uu Xildhibaan Barkhad Ka Jeediyay Xarunta Qaramada Midoobay

    "Qaramadda midoobay waxa aan u sheegaya in dalkayga Somaliland yahay dal ku suntan dimiqaraadiyad"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qaramadda midoobay waxa aan u sheegaya in dalkayga Somaliland yahay dal ku suntan dimiqaraadiyad"


 


 

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Barkhad Batuun oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland oo khudbad dheer ka jeediyay Xarunta Qaramada midoobay ee Geneva ayaa yidhi,

 

"Dadkayagu madaxbanaanidii ay u dagalaamen 1991-kii oo ay dib ugu la soo laabteen dhulkoodi xuduudaha Ingiriska ku fadhiyay, ka dib waxay u midoobeen inay dib u dhistaan hab dawladnimo oo dumuqraadi ah iyo inay muwaadiniintu helaan xaq iyo xuquuq siman oo cadaalad ah.

 

Sidoo kale waxa Dalkayga Somaliland uu buuxiyay dhamaan shuruudihii dawladnimada ee looga baahna.

 

Qaramadda midoobay waxa aan u sheegaya in dalkayga Somaliland yahay dal ku suntan dimiqaraadiyad, doorashooyin iyo deganaansho balse beesha caalamki aaney na siin mudnaanta aanu laheyn oo ah Ictiraaf.

 

2021-kii oo ay dhacday doorashadii Barlamaanku waxa Ii codeeyay si aqlabiyad ah dad ka badan 21-kun oo qof anigoo ka soo jeeda beelaha minority-ga ah , Tariikhda Somaliland waxay ka noqotay qofkii ugu horeeyay codad intaas gaadhaya loogu doorto kursi barlamaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Barkhad Batuun oo khudbad ka jeediyay xarunta Qaramada midoobay ee Geneva.

 


Loading...
Loading...