Ujeedada Socdaal Madaxwaynaha Ruushku Kutagayo Wadamada Imaaraadka Iyo Sacuudiga
Madaxweyne Vladimir
Putin ayaa Arbacada booqan doona Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, Aqalka
Kremlin-ka ayaa sidaas ku dhawaaqay, xilli Moscow ay raadineyso xulafo dibadda
ah inkasta oo ay reer galbeedku u go’doomiyeen colaadda Ukraine darteed.
Putin ayaa xaddiday
safarrada caalamiga ah tan iyo markii uu ciidamo u diray Ukraine, islamarkaana
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay soo saartay amar lagu soo xirayo
iyadoo ku eedeysay inuu masaafuriyey carruur reer Ukraine ah.
"Madaxweyne Putin
waxa uu berri safar shaqo ku tagi doonaa Imaaraadka iyo Sacuudiga," ayuu
afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov u sheegay wariyeyaasha Talaadadii.
Waxa uu sheegay in
hoggaamiyaha Ruushka uu hadli doono xiriirka labada dal, dagaalka Israel iyo
Xamas iyo siyaasadda caalamiga ah.
Peskov wuxuu sheegay in
Putin uu sidoo kale kala hadli doono suuqa saliidda inta lagu jiro booqashada,
kadib markii Ruushka - oo ka mid ah 10-ka dal ee saaxibka la ah OPEC - uu
sheegay inuu sii xoojin doono dhimista soo-saarka.
Imaaraadka Carabta ayaa
martigelinaya shirka cimilada COP28 ee Qaramada Midoobay, laakiin Kremlin-ka ma
aysan caddeyn in Putin uu ka qeybgali doono wax dhacdo ah oo la xiriira iyo in
kale.
Putin ayaa seegay dhowr
shirar oo heer sare ah oo dibadda ah tan iyo markii Moscow ay dagaal ballaaran
ka billowday Ukraine bishii Febraayo 2022.
Putin ayaa ka baaqsaday
shirkii BRICS ee Koonfur Afrika bishii hore si uu uga fogaado "bandhig
is-muujin".
Waxa kale oo uu seegay
shir madaxeedka G20 ee bishii September - in kasta oo uu ka qayb galay kulan
G20 ah bishii November u dhacay qaab fogaan arag ahaan ah.
Tan iyo bishii Maarso,
Putin waxaa si weyn u baadi goobeysay maxkamadda ICC, waxaana dalalka xubnaha
ka ah la filayaa inay fuliyaan amarka soo xiritaan haddii hoggaamiyaha Ruushka
uu soo galo dalkooda.
Imaaraadka iyo
Sacuudiga midna ma saxiixin heshiiska aas-aaska Maxkamadda ICC, taasi oo la
macno ah inaysan qasab ku aheyn inay xiraan.
Putin ayaa booqday
Shiinaha bishii October, taasi oo aheyd booqashadii ugu horreysay ee uu
sanadkan ku tago meel ka baxsan Midowgii Soviet ee hore.