Haweeney Lagu Eedeeyay Inay Cunuggeeda Badda Ku Tuurtay Oo Lasoo Qabtay
"Muuqaalka dad cunugga kasoo badbaadinaya badda ayaa aad ugu baahya baraha bulshada"
Booliiska Kenya ayaa
soo xiray haweeney lagu eedeeyay inay shalay cunuggeeda oo siddeed bilood jiray
ku tuurtay Badweynta Hindiya.
Goobjoogayaal ayaa
warbaahinta gudaha u sheegay in haweeneyda ay ilmaha kasoo tuurtay gaari
marayay magaalo-xeebeedka Mombasa.
Muuqaalka dad cunugga
kasoo badbaadinaya badda ayaa aad ugu baahya baraha bulshada, iyadoo dad badan
oo Kenyaan ah ay caro u qaadeen haweeneyda.
Ilmahan oo gabar ah
ayaa loola cararay xarunta Laanqeysrta Cas halkaasoo lagu daweynayay, iyadoo
hooyadana la geeyay saldhigga booliiska, sida ay baahiyeen telefishinnada
gaarka loo leeyahay ee K24 iyo Citizen TV.
BBC
Loading...
Loading...