Dhulgariir Ku Dhuftay Turkiga
"AFAD ayaa ku dhawaaqday in xuddunta dhulgariirku ay ahayd degmada xeebta"
Dhulgariir ayaa ku
dhuftay xeebta Gemlik Bay ee Badda Marmara ee dalka Turkiga, abbaaro 10.42 GMT
xilliga dalkaas.
Cabbirka dhulgariirka
ayaa ahaa 5.1 sida ay shaaciyeen waaxda maareynta musiibooyinka dalkaas ee
AFAD.
AFAD ayaa ku dhawaaqday
in xuddunta dhulgariirku ay ahayd degmada xeebta dhacda ee Mudanya.
Dhulgariirka ayaa
xooggiisa sidoo kale laga dareemay gobollada Bursa, Istanbul, Tekirdağ,
Çanakkale iyo Izmir.
Wasiirka arrimaha
gudaha dalkaas Ali Yerlikaya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ee hore loo
yaqaannay Twitter) ku sheegay inuu haatan socdo baaritaan.
Loading...
Loading...