Waa Kuma Wasiirka Lagu Eedeeyay In Uu Colaad Ka Dhex Waddo Gobolada Galbeedka Somaliland?
Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha
Garabka Dhalinyarada heer Qaran ee Xisbiga WADDANI Cabdirashiid Cabdi Jaamac ayaa ku eedeeyay
wasiirka Gaashaandhiga Somaliland in uu colaad kahurinayo Gobolada Galbeedka
Somaliland, sida uu gudoomiyuhu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.
"Wasiirka
gaashaandhiga ee Qoriga dabka ah kula dhex wareegaya dadka walaalaha ah ee wada
dagan gobolka Salel, Muuse Biixi ama uu la xisaabtami ama way iska cadaan
doontaa in uu la ogyahay "
Maanta dagaal ka dhex
dhaca dadka walaalaha ah ee ab iyo isir is dhalay ee ilaahay meesha wada dhigay
dagaal diyaar uma aha. cid walba oo dagaal iyo colaad ku baaqaysana wanaag uma
soo wadaan dadka iyo deegaankaba.
Waxaynu ognahay
colaadii gobolada Bari laga kiciyay iyo halka ay marayso, ha ka waantoobaan
dhabar taabashada iyo isku dirka dad walaalaha laga dhex wado iyo cida wadaba.
Haddii, Muuse Biixi iyo
kooxdiisu cimri dherer ay ka raadinayaan colaad ay gobolada galbeedka
Somaliland ka dhex ridaan, ha ogaadaan inaanay suurto gal ka ahayn oo ay
wakhtiga iska ridayaan.
Maanta nabad iyo
midnimo ayaa loo baahan yahay, looma baahna in wasiirrada xukuumadu ay reeraha
abaabulaan, oo daasad shaydaan u tumaan aynu ognahay dhaxalka ay reebi doonto.
Waxa aan ugu baaqayaa
shacabka gobolka Salel in ay gartaan muhiimada ay nabadu u leedahay dhexdooda,
oo ay ka taxadaraan gacmo shisheeye in ay soo kala dhex galaan.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha
Garabka Dhalinyarada heer Qaran ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdirashiid Cabdi
Jaamac.
Hadalkan ayaa ku soo
beegmaya xili beesha Ciise ee uu ka soo jeedo wasiirku uu ay soo saareen qodobo
ay kamid yihiin in deegeenkooga looga baxo.