Aantooniyaw Hooyo Diimo Badanidaa (Ali Biixi)
Horaa loo yidhi " Aduun-yadda nin noolaw Maxaa Aragti kuu laaban", islaan baa waxay ka yaabtay wiil ay dhashay, oo dhinac allaale dhan ay u raacdo ama ula dhaqanto garan wayday, dabeed intay ay meel fadhiistay, oo labadda dhaban gacmaa saartay bay tidhi " Alla Aantooniyaw Hooyo Diimo badanidaa" hadal dhamaantii, Dadka sheegta Isaaqa halkee baynu ku tiirinaa Asal-koodda? Waa kuwan cid walba yidhi walaalo baanu nahaye, sidaas oo ay xaajadu tahay, bal hadda ka jawaaba Su'aalahan hoos ku yaal, oo meel isi soo taaga, waana kuwan su'aalahii:-
Abtirsiimadu
Ma isir-baa?
Mise
Waa isbahaysi?
Sanadkan 2023 horaantiisii waxaynu warbaahinta ka wada daawanay , wefti odoyaal dhaqanka ah oo tegey dalka Sucuudiga oo halkaa ka cadeeyay in ay beel weynta reee sheekh isaxaaq ay ka soo jeedo (ahlu beydka) Qureesh oo ay Carab yihiin Waxaynu ognahay in buugaag badan laga qoran arintaas oo cadaynaaya in markii baadhitaan qoto dheer lagu sameeyay , ay yihiin asalka reer sheekh isaxaaq carab oo abtirsiintii la hayo , oo qabaa'il carbeed xaqiijinayaan in arinkaasu sax yahay , oo ay walaalo yihiin .
Hadana waxaynu warbaahinta ka arkaynay in wefti Muqdisho ka yimi oo Airport ka Hargeysa ka soo degeen , oo ahaa wefti dhaqan oo yidhi: walaalahayo oo aanu irir samaale isku nahay ayaanu u nimi .
(Halkaas waxa ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah beesha reer sheekh isaqaax ah oo sheegay in ay isku yihiin beesha Hawiye iyo isaaq ( irir samaale).
Inkastoo aan cadeymo loo cuskan arinkaas , oo uu u egyahay isbahaysi siyaasadeed.
Laakiin dad ayaa rumaysan. Iminkana waxaynu aragnaa wefti oromo ah oo Airport ka Hargeysa ka soo degey , oo la leeyahay waa (Dir) oo Dir ayaanu isku nahay (isaaq iyo qaar ka mid ah qabaa'ilka Oromada) .Hadaba Abtirsiintii ma isir bay tahay ?
Iyo nasabad. Mise isbahaysiayay noqotay ?
Iyo arimo siyaasadeed?
Mise qaar baa beesha reer sheekh isaxaaq asalkoodu carab yahay ?Qaarna asalkoodu irir yahay ? Qaarna asalkoodu Oromoyahay ?
(Oromada Kenyan? Qaarna oromada Ethiopia?).
Ma beeshan reer sheekh isaaq ayaa laf-teedu tahay , dadis-bahaystay, ee aanay isir ahayn ? Iyo dad isku nasab ah oo meel qudha ka soo wada jeeda ahayn-ba ?
Bal qaxad ii sheeg-taan reerka-reer sheekh isaxaaq la yidhaaho, yaa Carab ka soo jeeda ?
Yaase irir ka soo jeeda?
Yaase oromo ka soo jeeda? Waa arimo baadhi-taan iyo DNA u baahan in laga sameeyo.
Qore Ali Biixi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!