Safiirka Ingiriiska Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Madaxweyne Dani

0
Monday December 04, 2023 - 07:31:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Ingiriiska Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Madaxweyne Dani

    "Waxan ku heshiinay in loo baahan yahay wadahadal degdeg ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxan ku heshiinay in loo baahan yahay wadahadal degdeg ah"


 

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo shalay booqasho ku tagay magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa.

 

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Dani uu kala hadlay sidii loo heli lahaa is af garad ku aadan qaabka iyo waqtiga doorashada Puntland.

 

Waxan ku heshiinay in loo baahan yahay wadahadal degdeg ah oo lala yeesho dhammaan siyaasiyiinta muhimka ah iyo saamileyda siyaasadda ayuu yiri safiirka ingiriiska ee Soomaaliya.

 

Safiir Mike waxa kaloo uu bartiisa X ku sheegay in Dani iyo isagu isla garteen in laga fogaado wax kasta oo xasilooni darro abuuri kara.


Loading...
Loading...