Carab dalable ayaa colaad abuura.

0
Sunday December 03, 2023 - 15:33:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carab dalable ayaa colaad abuura.

    Waxa qoray suxufiga weyn Ee Abiib Iimaan Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa qoray suxufiga weyn Ee Abiib Iimaan Xasan


Dunidan casriga ah ee aynu joogno iyo waayadii jaahiliga lagu tilmaami jiray waxa jira hab dhaqan isasoo badalayey oo lagu wada xaajoodo, lagu tashado, wax laysku waydiisto oo lagu garamo.


 

Dhinac kasta oo dhinac la hadlayaa waxa uu dhawraa sharaftiisa iyo sharabta dhinaca ay xaajada wadaagayaan, qoyska nolosha aqal kali ah iyo awlaad wadaaga ayey noloshooda udub dhaxaad u tahay xurmo iyo xajiin la aan lagu dhaqmaa.



 

Waqtiyadii burburkii somaliya mashaakilaadka bulsho ee laga dhaxlay waxa kamid ah isku khalad laysku khaldo arin dawladeed,mid reer iyo mid qoys.


 

Waxad arkaysaa caaqil odhanaya " haddii aanu genaral hebel siyaa yeelin ta dhacda, oday ama islaan ay ijaar ama made beereed ayku muran san yihiin dariskooda oo yidhaa" haddii aanu madaxweynuhu sidaa yeelin waala eedi doonaa".


 

Waxaynu aragnaa shirar badan oo dadka isugu yimaadaa ay gacmaha ku sitaan kiiskii lagu xukumi lahaa iyo dambigii lagu oogi lahaa, waxa kale oo dhacda in ay dadkaa shiray dad lamid ahi jawaabo ka daba keenaan taasi oo ay kula wadaagayaan intii dambiga lahayd.


 

Ma jiraan qowmiyado kala duwan kala sinji iyo kala af ah ama kala diin ah oo kuwada nool somaliland, mana taalo reero sabab ay warbaahinta isugu mariyaan hatigaad iyo khaa khaayiraad colaadeed, wanaag iyo sokeeye nimo ayaa ina wada deeqda, kuma fadhino harag sagaaro oo laysaga kacayo ee dalku wuu balaadhan yahay wadaag iyo wada jir ayaana lagu faa iidaa oo lagu horu maraa..


 

Hadal qaloocaa ciddii uu ka dhaco halagu taageero in qawl samaan lagu saxo, kana fogaada reero isku jawaaba oo is xag xagta .


 

Allaha ina waafajiyo

Wanaaga iyo wadada xaqa ah.......


Waxa qoray suxufiga weyn Ee Abiib Iimaan Xasan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...