Baaqa Nabadeed Ee Beelaha Bari Iyo Bariiska Colaad Beerka Ah Ee Galbeed ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday December 03, 2023 - 13:53:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Baaqa Nabadeed Ee Beelaha Bari Iyo Bariiska Colaad Beerka Ah Ee Galbeed ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Saw Kala-Maan Maaha Nin Wax Is-Biday Iyo Kii Wax Dhigay?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Saw Kala-Maan Maaha Nin Wax Is-Biday Iyo Kii Wax Dhigay?.


Allay-lehe xaaladda maanta taagani,waxay akhristaw dib ii soo xauusisay Riwaayad 1965kii la sameeyey oo magaceedda la odhan jirey " Kala-Maan" oo uu lahaa illaah haw naxariistee Abwaan " Xasan Sh. Muumin" taas oo micnaha sheekadda guud ee ay ka hadlaysay ahayd, "Reer Waqooyi" oo is miyir la'aan ah ugu tabarucay madax-banaaniddii ay ka hoos baxeen ama ka qaateen Dalka Boqor-tooyadda Ingiriiska, loona bixiyey "Qaldaamiin" aan wax kala garanayn,sababta oo ahayd " Xornima-dooddii oo ay bilaah u bixiyeen, magaca " Qaldaana" uu halkaas ka raacay, iyo sidda ay u qaateen kuwii loola tegay waa " Reer Koonfureede" kuwaas oo noqday ama ku sifoobay maah-maaddii ahayd " Dhaxal aan laga dhimani, dhan-dhan macaanaa" dabeed waa kuwii "Reer-Waqooyi" candhadda dhulka ku dhuftay, la isu garaabi waayey, af buuxa ku yidhi " Alloore XAMAR baa laga Daaraa Hargeysa" ee maxay sheegayaan "Reer-Waqooyi Rag Iyo Dumar Reerka Waalani. Wixii ka dhacay-na aynu ogayn. Hadaba waxa " Kala-maan ah, nin Wax is-biday iyo Kii wax ka dhigaye" Yaa u gar qaadi doona?



 

Muwaadin ama akhriste waxa la yidhi " Sheeko-ba-sheeko" bay ku xasuusisaaye, waxan u soo qaatay " Riwaayadaas Kala-Maan" waxay tahay halka ay kala joogaan maanta ummaaddii la isku odhan jirey " Reer-Waqooyi" ee uu ugu dambeeyey ( Alle Caafimaad Ha siiyee) Madax-weyne Siilaanyo. Waxa-ba hadeer socota xaalad la mid ah taa aan hore uga soo sheekeeyey, oo aan biyo-is-marin, kaanuhu-maanuhu ah, sinaba aan loo kala qaadayn ta maanta ka dhex taagan ama aloosan " Reer-Waqooyi" Waxa la yidhi hadalka hadaan run laga sheegin, wuxu dhalaa munaafaqa, dira-diraalanimo, is-nac, shaki, dagaal iyo kala durug la sii kala fogaado, aakhir-kana lagu kala dareero, siddii ka dhex dhacday " Reer-Waqooyi Iyo Reer Konfureed" waana halka ay taagan tahay amintan aan qoraayo maqaalkan. Ee bal ila akhri intan hoose, waa tane:-


 

Xaalku saw Kala-Maan Maaha" Ummadda "Goboladda Bari" wixii loogu yeedhi jirey ee S/Land isku ahaa, is jeclaa, ula iyo diirkeed ahaa, siiba harti, H.Jeclo iyo Garxajis, waa la isku diray oo dab baa lagu shiday, markaas kuwii "Gobaladda Galbeed" oo iyagoo ilmadda yaxaaska qibaya ay leeyihiin isku sii bas-beela, waxan idin siinaynaa Bariis dhacaye, iyadoo dalkii badh go'ay markii xasuuq aan loo aabo yeelin lagula kacay,Laascaanood waa loo dhameeyey, Buq-dharkayn waa la gubay, dilku waa tiro beelay, dhaawac hadal-kiisa daa, maxaabiisi way tiro beeshay, ciidankii 33 sano la dhisaayey waxa ku leefay Hartii, oo xaq darraddii lagula kacay baa cidhib tirtay, markii hal askari ay waayeen, hubkii laga furtay, bay imika labadda askari iyo Saleebaan Yuhuudi ay ciidan beeleed " Macawis la yaala ah" ay ururinayaan iyaba waa yaabe. Hadaba su'aashu waxa weeye, siday u dhici kartaa in halkii nabad laga abaabuli lahaa ay ummadu ku degto, la yidhaaho " Reer Bari ha isku Gubtee" isku sii rogma bariis baan sahay idiin siinaynaa?


* N.B Saw Kala-Maan Maaha Nin Wax Is-Biday Iyo Kii Wax Dhigay?.


Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...