May Rasaaseey Mee Rageeddii ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday July 04, 2019 - 20:45:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    May Rasaaseey Mee Rageeddii ( Abdi-Shotaly).

    Tixdan gaaban oo aan kaga waramaayo, sidda ay isu bedeleen taariikhihii ay ahaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tixdan gaaban oo aan kaga waramaayo, sidda ay isu bedeleen taariikhihii ay ahaan

 jireen beeluhu iyo siddii ay imika kala yihiin, baan halkan hoose ku qorayaaye, iga hooya waa tane:-

 

Danyo cali baraar ay cuntiyo, diiday hilib-kiiye,

Haday daribta xoolaha tiqiin, way ka durug-taaye,

Ama habar dugaag ay ahayd, daysay magacoode,

Wataa daydayggii ay dhigtiyo, darayaddii baase,

Dududo ay wareegtiyo ka timi, waxaro doon-doone,

 

Afartaa daliill-shaye, waxaan dib ugu soo laabtay,

Nabsi baa wax doorshee, miyaa dacawo noo baantay,

 

Daluunaddii hogeediyo ma iman, degelki reeraaye,

Waxay debedda roortaba wataa,  daaro seexataye,

Dacaskii ilawdiyo dhibtii, dewersiggii jaane,

Wixii darayo ay soo martee, ay darxumo gaadhay,

Waxay fiid duleedadda ka cido, dhaxana daaduunto,

 

Afartaa daliill-shaye, waxaan dib ugu soo laabtay,

Nabsi baa wax doorshee, miyaa dacawo noo baantay,

 

Dib-jirnimo waxay meerto, oy cidladda daasho,

Dumug iyo waxay qaawanaan, dayac ku noolaato,

Dalandoolka gaajadda waxay, duunyo daba roorto,

Dulinimo ka soo doogtay iyo, waxay dubootaaye,

Dadnimay hadeer sheegatoo, diirtay dhogor-tiiye,

 

Afartaa daliill-shaye, waxaan dib ugu soo laabtay,

Nabsi baa wax doorshee, miyaa dacawo noo baantay,

 

Dabuutuu qamaan uu lahaa, baan daacad u arkaaye (Qamaan Bulxan),

Wuxu yidhi duqaa inaga tegay, oo doodi guba sheegay,

Hadba dunidda duul baw kacoo, diin la soo shira'e,

Dadkii maalmo loo talin jiraa, kuu dardaar werine,

Dhiig-shiil siduu beri ahaa, loo dad qalatawye.

 

Afartaa daliill-shaye, waxaan dib ugu soo laabtay,

Nabsi baa wax doorshee, miyaa dacawo noo baantay,

 

Garxajis Doorkuu lahaa, duudsi baa xigaye,

Ciise Muuse dekeddii ka qade, dalagi xeebeede,

Arab Daasad baa lagu tumoo, Ururki loo diidye,

Ayuub-na daantuu lahaa, dayr ma jiifsada'e,

Sacad muusaa dagaal raba, bayga degi hayne,

Samaroon docdooddii cadhadu, gaadgay daafaha'e,

 

Afartaa daliil-shaye, waxaan dib ugu soo laabtay,

Nabsi baa wax doorshee, miyaa dacawo noo baantay,

 

Afartaa daliillshaye, waxaan dib ugu soo laabtay,

Nabsi baa wax doorshee, miyaa dacawo noo baantay,

 

 Gabooya-na hadal-kiisa daa, dood ma tiig-sado'e,

Harti oo ka sii daran cidiba, hoos umay deyine,

Toljeclana dareen-kaasi waa, midan ka daahnayne,

Dudmaduu qarsanayaa ciisihii, debedda keeneene,

Waa kuwaa taleex degay ragaw, doqon majeerteene,

Deegaanki laasqoray ka tage, ubad dubay-seede,

Bal duruufahaa daya wakhtigu, wuu si daba yaale. 

  Waxan ku soo xidhay qoraalkan ama ku soo gabaga-beey,  Heestii geela ee ahayd May rasaaseey, mee rageeddii, markay ribatee, 

 ay ragaadee, raaf-dilaac=daba, rogaal celin-teed soo ruclayn jirey. Horaa loo yidhi " Allahyaw muxuu faranji-gani, nacas fariideeye, Faa'iido laawiyo nin rag ah, 

 muxuu fayl iskugu keenay, Nimaan aabihii fuuli jirin, faras muxuu saaray, muxuu fulay ku fooryaa fariid, fiintu ka ciyeyso"

Abwaan qaasimna, wuxu yidhi " Ab-tirsiimo ruuxii yaqaan, aayo-tiin ma laha'e" imika baa loo kala ab-tiriyey, oo kolba labadan askari,

ee wajaqani, ay foodda isu gelinayaa laba beelood, dhulkii badh baa lala wareegay, inina waa baaba ( waa Goboladda bariye) oo

askariga meesha ka baf-baf leh, ee indhaha la', baa hadh iyop habeen cay ula taagan, kol uu yidhaaho nin garasho iyo aqoon lihi kama kicin,

iyo mar uu isku diro, oo uu yidhaaho Kud-madaw baa Telefoono ku haga Colaadda Goboladda Bari. Dalka in yar baa ka ceeshta oo ay isku

xaafad yihiin " Raggii ma adigaa ka hadhay" intii kale waxa qaaday daadka, cid dan ka lihina ma jirto. Waxan ku soo gabaga-beeyey,

  

    * N.B Nimaan Aabihii Maali Jirin Looma Aamino

Qore: Abdi-shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...