Muxuu Yahay Warka Uu Beeniyay Maamulka Gobolka Togdheer?
Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha gobolka T6ogdheer, taliyaha ciidanka booliska gobolka iyo masuuliyiin kala duwan ayaa soo kormeeray garoonka Diyaaraha ee magaalada Burco, kadib markii laga faafiyay warar aan sal iyo raadtoona lahayn, iyagoo masuuliyiintaas u kuurgalaayey howlaha shaqo ka socota garoonka iyo sida uu ugu adeego bulsho weynta Somaliland.
Maamulaha Madarka
Magaladda Burco Cabdirisaaq Nuur Caraale, ayaa sheegay in Garoonka diyaaraduhu uu yahay mid ay kawada hawlgali karaan
dhammaan diyaaradaha dalalka aynu jaarka nahay kuwa caalamkuba, waxaanu dadweynaha Somaliland u cadeeyey in
madaarku sidiisii u shaqeynaayo, iyadoo afar iyo labaatanka sacadoodna uu furan
yahay shaqadiisa iyo howlaha uu Bulshada u hayaaba si wacan xiligan u socdaan.
Sidoo kale waxa uu
Maamulaha Garoonka Diyaaraduhu meesha ka saaray wararka lagu faafiyay baraha ay
bulshadu ku xidhiidho ee Facebook, waxaanu xusay in diyaarad kasoo kicitinta
dalka Kenya ay wakhti kasta iman karto, waxaanu tilmaamay in xukuumadda Somaliland amniga madaarada Dalka xil
gaar ah iska saartey oo madaradda wadanku yihiin kuga ugu amaanka badan Geeska
Africa.
Taliyaha Ciidanka
Booliska Gobolka Togdheer, Gaashaanle Sare Cali, ayaa sheegay in aanay jirin
cid xilligan looga baqo abniga Garoonka Diyaaradaha ee Burco.
Gaba-gabadii
guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Nafaqo ayaa sheegay in Madarku yahay mid amaan ah,
oo aaney jirin cid is hortaagi karta howlaha madarkaas ka socda.