Waa maxay hadafka dhabta oo la doonayo qof walba inuu heegsado⁉
Noloshu waa meerto gadgadoon badan waqtigeduna koo banyahay daqiiqad walbana lagaa xisaabinayo suaalna laga waydiin doono.
Dadkoo dhan waqti ayaa lasiyay haba kala badnaado jaanska ay haystaane
Hana kala duwanaado fahamkooda nololeed iyo himiladoda iyo qof kasta waxa uu donayo inuu xaqiijiyo.
Hadafka kowaad oo qof walba oo enaga ina kamida laga donayo inuu xaqiijo waa Raaligalinta Rabigeen
Iyo aakhiro u camal falkeeda in laxasuusto qabriga, qiyaamaha,xisaabta iyo miisaanka, jidka siraad iyo naarta aadka udaran.
Ilaahyna yoolka dhabta ah ee uu dunidaan kuu keenay waa inad caabdo un.
Ilaahy waxa uu ku yiri suuratu dariyaad ayadaa 56"insiga iyo jiniga uma anaan abuurin inay na caabudan maahane"
Sidaa darteed walalkayga/walashyda dhalinyarada ahaw kudarso xisaabtada inaad xaqiijiso wixii laguu abuuray.
Hadafka 2aad waa camirida aduunyada.
Haa walal adunyadan khaliif/hogaan ayaad ka tahay.
Wax kasta oo dunidaan ka dhacay iyo hormar kasta oo lagaray qof bani aadam ah ayaa ka dambeeya ha aahado mid teknolajiyeed, dhismayasha iwm.
Wax kasta oo qof gaarayna waa wax lagaari karo ama la bar dhaafinkaro
"Hadii nabi nimado ahan lahayd wax la shaqaysan karo waxa doqonimo ahaan lahayd in qofku ku fakaro wax nabinimo ka yar!"
Xadaarada konkana tan iyo xawiyo adam waa labadalayay dad ayaan so taxan ee waxa dad isku dhaafay waa hami sare go,aan kalaba labayn lahayn+ficil
Waxana laga yaaba inay kugu jirto awoodii umad dhan guul iyo hormar u horseedi lahayd nasiib xumo lkn adaanwax himada lahayn wax masuuliyadana dareemayn.
Sifooyinka laga donayo qofkasta oo muslim ah inuu ku tilmanado waxa kamida
1,kalsooni.mid nafeed iyo mid Rabigiis ahba
2,Hawl karnimo.islamku caajiska waa diiday
3,xooganaan.qofku inuu yahay mid macnawiyan uxogan usan ahay qof iska mayerana
4,dulqaad. Qofku inuu yahy qof sabir leh uusan noqon geedkii xeebta ku yaalay ebiyaha hadba dhan ula sexanayay ilaahyn in badan buu qurankisa ku.
P.2
W/QAbdullahi Saciid
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!