DEG DEG Golaha Guurtidu Awood Ayuu u Leeyahay in uu Dib u Eegis ku Sameeyo Xeerarka Ka Soo Gudba Golaha Wakiillada…"

0
Wednesday November 29, 2023 - 11:11:44 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Golaha Guurtidu Awood Ayuu u Leeyahay in uu Dib u Eegis ku Sameeyo Xeerarka Ka Soo Gudba Golaha Wakiillada…"

    Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ..



Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud Kaare oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in Golaha Guurtida uu awood u leeyihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan Xeerarka ka soo gudba Golaha Wakiilada.


 

Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud ayaa waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku yimid cod, isla markaana aanay jirin cid xoog ku qabsan karta kursiga ugu sareeya talada dalka ee Maxweynenimada.



 

Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Maanta oo kale uma baahnin Xisbi iyo reer, waxa aynu u baahanahay Midnimada Somaliland, aynu isku taagno taageerada Qarankeena, waxaana horumarku ku jiraa Wadajirka iyo iskaashiga Bulshada iyo guusha Somaliland, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku yimid cod. waxaana uu ku tagayaa cod, xoog inaguma haysto cid kale oo xoog ku qabsankartaana ma jirto.”


 

Xildhibaanku waxa kale oo uu intaasi ku daray "Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu ka soo shaqaynay xeerkii isa saarka Doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Wakiilada si wada jira ayay uga soo shaqeeyeen xeerkaas. kalfadhi dhan ayaanu ku qaadanay xeerkaas ma lihin xeerkaas wuu dhamaystiranyahay. waxa laga yaabaa in dhaliilo badan leeyahay waxa aanu isku soo dhaafinay si aanu u muujino wadajirka Umadda Somaliland iyo wadajirka Golaha Wakiilada, waxaana aanu u gudbinay Golaha Guurtida waxaanay xaq u leeyihiin Golaha Guurtida in ay dib u eegis ku sameeyaan xeerarka ka soo gudba Golaha Wakiilada.”

Loading...
Loading...